4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Baarlamaanka Somalia la horgeeyay Mooshin ka dhan ah shirkada Al-Beyraat


Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta loo qaybiayy mooshin ka dhan ah shirkadda Al-Beyraat oo shalay lagu wareejiyay dekedda weyn ee Muqdisho, iyadoo kulanka maanta ay joogeen 139-mudane.

Mooshinkan ayaa waxaa baarlamaanka u soo gudbiyay tiro xildhibaanno ah, iyagoo ku sheegay mooshinkooda in wareejinta dekedda Muqdihso ay tahay mid ka hor-imaanaya go’aannadii uu horay baarlamaanku u soo saaray.

Xildhibaan, C/qaadir Maxamed Aadan oo ka mid ah xubnihii mooashinka wax ka saxiixay ayaa ka hor akhriyay Mooshinkan xildhibannada baarlamaanka, iyagoo sheegay inay mooshinka kusoo dareen cabashooyinka muruq-maalka dekedda Muqdisho iyo howlwadeennada shirkadaha maraakiibta, sababta loo jabiyay qaraarkii uu horey u qaatay baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka, Mahad Cabdalla Cawad ayaa faahfaahin ka siiyay xildhibaannada baarlamaanka nidaamka sharciga ah ee ay tahay in la marsiiyo heshiisyada caalamiga ah ee la galayo, isgaoo sidoo kalena ka hor akhriyay xildhibaannada qoraal uu soo gudbiyay hanti-dhowrka Qaranka, kaasoo ku saabsanaa heshiiska wareejinta dekedda  Muqdisho.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa qaybinta mooshinka iyo qoraalka kasoo baxay xafiiska hanti-dhowrka Qaranka, waxayna guda-galeen soo jeedinta talooyin la xiriira la qaadayo; taasoo badankeed noqotay in loo yeero ra’iisul wasaaraha Soomaaliya si uu baarlamaanka uga jawaabo su’aalo arrintan la xiriira, cidda jabisay qaraarkii uu baarlamaanka horey uga qaatay arrintan iyo halka ay ku dambeysay natiijada guddi uu ra’iisul wasaaruhu arrintan u saaray.

Sidoo kale, Cawad oo dhammaadkii kulanka hadlay ayaa xusy in guddoonka baarlamaanka uu ra’iisul wasaaraha xukuumadda u yeerayo sababta arrintan uu goluhu u eegayana ay tahay inaan lagu tuman xuquuqaadka shaqaalaha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya Dekedda Muqdisho.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray qaraar uu ku dalbanayay inaan lagu wareejin karin dekedda Muqdisho shirkadda Al-Beyraat ee dalka Turkiga laga leeyahay illaa inta heshiiskaas baarlamaanka laga hor-keenayo iyadoo lagu wareejiyay shirkaddan maamulka garaoonka, taasoo keentay in looga yeerayo baarlamaanka ra’iisul wasaare C/weli Sheekh si uu arrintaan jawaab uga bixiyo.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya