4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 22, 2014
Magaalada Kismaayo oo Laga Xusay Maalinta Nabadda Adduunka (SAWIRRO)

Talaado, Sebtember 21, 2014 (HOL) :- Iyadoo shalay ay ku beegnayd maalinta nabadda aduunka oo siweyn looga xusay inta badan dalalka Caalamka, ayaa munaasibad lagu soo dhaweeynayo maalintaasi islamarkaana lagu taageerayo nabadda waxa ay ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

Munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyay gudiga olombikada gobolka J/hoose ayaa waxa kasoo qeybgalay madax ka tirsan maamulka Jubba iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Kismaayo, iyadoo masuuliyiinta Isboortiga iyo madaxda maamulka Jubba oo ay wehlinayeen qaar ka mid ah ciyaartooyda ay orodada maaradoonka ay kusoo mareen wadooyinka magaalada Kismaayo, iyagoo sitay boorar ay ku xardhanaayeen hal-ku-dhigyo ay nabadda kusoo dhaweeynayaan.

Munaasibaddan ayaa  markii  ay soo dhamaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Gudoomiyaha gobolka J/hoose Mudane C/rashiid Gooni kaasoo sheegay in maalinta nabadda aduunka ay tahay maalin weyn islamarkaana mudan buu yiri in lagu xusuusto nabadda ay baadigoobka ugu jirto umadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Kismaayo Ibraahim Max'ed Yuusuf Timajilic oo isna hadal ka jeediyay munaasibadda ayaa sheegay in xuska maalintan ay kusoo beegantahay xilli uu magaalada Kismaayo ka soconayo shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka.

Gabagabadii ayaa waxaa isna hadal jeediyay gudoomiyaha olombikada gobolka J/hoose  Aadan Cabdi Qeeyliye (Aadan Sanka), kaasoo sheegay in munaaisbaddani ay tahay mid ay kusoo dhaweeynayeen maalinta nabadda aduunka, isagoo intaa ku daray in gudiga Olombikada Soomaaliyeed ee gobolka J/hoose uu ku dadaali doono sidii dhalinyarada looga wacyigelin lahaa colaadaha.

Tartankani orodada ah ee lagu soo dhweeynayo maalinta nbadda aduunka ayaa noqonayo kii ugu horeeyay oo mudo sanado badan kadib lagu qabto Kismaayo iyadoo uu sidoo kale kusoo beegmayo xilli magaalada Kismaayo uu ka soconayo shirweeynaha dib u heshiisiinta ubooyinka, kaasoo la doonayo in lagu heshiisiiyo belaha wada dega Jubooyinka.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya