4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Ciidamada Zambia oo Qabqabtay Somali iyo Ethiopian u socday Koonfur Afrika

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Ciidamada amniga Zambia ayaa ku xiray magaalada Kapiri Mposhi oo ku taalla bartamah dalkaas 67-qof oo isugu jiray Soomaali iyo Itoobiyaan u socday dalka Koonfur Afrika.

Xarigan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ah ay ciidamada dalkaas sidoo kale xireen 48-qof oo Itoobiyaan ah, kuwaasoo iyaguna ku socday dalka Koonfur Afrika, sida uu qoray maanta wargeyska The Times ee kasoo baxa xarunta dalka Zambia ee Lusaka.

Saraakiisha booliiska Zambia ayaa sheegay in qoxootigan ay si sharci-darro ah kusoo galeen dalkaas, lana qabtay gellinkii dambe ee Sabtidii aynu soo dhaafnay, iyagoo saarnaa gaadiid kuwa xamuulka ah oo lagu soo qariyay.

“Gaadiidku culeys ayaa laga dareemay, taas ayaana keentay inaan baaris ku sameyso, kaddibna waxaan kasoo saarnay 67-qof oo isugu jira haween iyo rag,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay booliiska Zambia.

Dhanka kale, guddoomiyaha degmada Kapiri Mposhi, Beatrice Sikazwe ayaa sheegtay in dadka la qabtay oo dhan aysan wadan wax warqdo ah oo ay ku soo galeen dalka, waxayna isku dayeen inay baxsadaan balse gacanta ayaa lagu dhisay.

“Tani waxay qayb ka tahay socdaalka muhaajiriinta ku socda dalalkooda oo inta badan marin ka dhigta dalkeenna. Sidoo kale dadka noocan oo kale ku socda waxay maraan deegaanno kale oo dalka ka tirsan,” ayay hadalkeeda ku dartay Sikazwe.

Qabashada dadkan ayaa imaanaysa iyadoo 48-qof oo Itoobiyaan ah lagu qabtay dalkaas toddobaadkii hore, waxaana ay dadkan ku socdaalayeen gaadiid ay ku dhuunteen.

Ugu dambeyn, madaxa xiriirka bulshada ee hay’adaha amniga dalka Zambia, Namati Nshinka ayaa sheegay in dadka ay ku qabteen howlgalladan oo kale ay gaarayaan 1,000 muddo sannad gudihiis ah.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya