4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Shacabka Kenya oo u Codeeyay in Ciidamadooda Laga soo Saaro Soomaaliya

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Codayn laga dhex sameeyay shacabka Kenya oo la sii daayay maalinimadii shalay ahayd oo ku beegnayd weerarkii Westgate ayaa muujinaysa cabsida laga qabo in mar kale ay dalka dib  uga dhacaan weerarro kale oo halis ah oo ay soo qaadaan ururka Alshabaab.

Cilmmi baaristan ayaa sheegaysa in seddexdii qof oo Kenyan  ah ay laba kamid ah ku fakarayaan in ay qatar ugu jiraan kooxda Al-shabaab oo bilihii ugu danbeeyay weerarro goos-goos ah ka fulisay magaaloyin ku yaalla xeebaha dalkaas.

Hay'adda Ipsos oo shaacisay codaynta ayaa sheegtay in 10% ay dadka Kenyanka ah aaminsan-yihiin in Al-shabaab aysan wax khatar ah ku ahayn amniga dalka iyo guud ahaan gobolkaba ,isla markaana ay dowladdu wax ka qaban karto arimahaas.

In badan oo kamid ah dadka Kenya ayaa u codeeyay in dowladda ay ciidamadeeda  kala soo baxdo Somaliya halka 19% na ay doonayaan in KDF ay sii joogaan Somaliya,isla markaana ay ka sii mid ahaadaan howlka AMISOM.

"Waxaa jira khataro badan oo ka imaan kara joogitaanka Kenya ee Somaliya "ayuu yiri Dr Tom Wolf oo warbixintan sii daayay shalay ,waxaana uu xusay in codayntan ay ku soo beegantay waqti adag oo dalka ay dhibaatooyin ka dhaceen.

Ugu danbayntii Alshabaab ayaa weerarro is-xiga xiga ka fulisay gudaha Kenya bilhii la soo dhaafay ,iyaga oo Lamu ku dilay tiro dad ah oo lagu qiyaasay 60-ruux ,waxana jira baaqyo dowladdu ay kala kulmayso xibsiyada mucaaradka ah oo ku aadan in ciidamado KDF laga soo saaro Kenya.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]