4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somalia oo u ambabaxay Mareykanka


Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Mareykanka, halkaasoo uu kaga qaybgalayo shirweynaha QM ee dhici doona bishan dhammaadkeeda.

Inta uu madaxweynuhu joogo magaalada New York ayaa wuxuu kulammo gooni-gooni ah la yeelan doonaa qaar ka mid ah madax kala duwan oo ka soo qaybgalaya shirka guud ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan kula yeelan doono magaalada New York, madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo lagu wado inay kawada hadlaan muranka dhinaca badda ah ee labada dal u dhexeeya.

Wasiiradda arrimaha dibadda ayaa dhawaan sheegtay in la diyaarinayo kulan ay la yeelan doonaan madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya si arrinta ku saabsan muranka badda loogu dhameeyo si siyaasadeed si looga maarmo maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda oo ay Somalia u gudbisay dacwad la xiriirta muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalin ka hor ka sheegay kulankii golaha baarlamaanka ee lagu furayay kal-fadhiga shanaad ee baarlamaanka inay u gudbiyeen dacwadda si looga hortago in badda Somalia ay ka nabad-gasho faragelin shisheeye iyo in la iska goosto.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhawaan ku eedeysay dowladda Kenya oo ay kaga sugan yihiin Soomaaliya ciidammo ka tirsan kuwa AMISOM inay go’aan ku gaartay inay iska goosato qayb ka mid ah badda Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha Somalia ayaa madaxweynaha waxaa sii sagootiyay, guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cusmaan Jawaari, wasiirro, xubno ka tirsan talisyada ciidamada iyo xubno kale.


Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya