4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Doorashada Madaxweyne Recep Erdogan dan weyn ayaa ugu jirta Soomaaliya


Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Recep Tayyip Erdogan ayaa bishii la soo dhaafay ee Ogoosto loo doortay madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, isagoo tan iyo sannadkii 2003 ahaa ra’iisul wasaarihii Turkiga, wuxuuna  noqonayaa madaxweynihii ugu horreeyay ee shacabka Turkigu ay si xor ah u soo doortaan.

Erdogan wuxuu ku dhashay magaalada taariikhiga ah ee Qusdan-diiniya oo maanta loo yaqaan Istanbuul sannadkii 1954-kii, asal ahaan wuxuu kasoo jeedaa magaalada Darab-zoon, wuxuuna kusoo barbaaray saboolnimo.

Billowgii kusoo biiriddiisa siyaasadda Turkiga ayuu u sheegay warbaahinta in uu iibin jiray khudaarta, gaar ahaan Batiikh iyo Sisin, taasoo uu sheegay in ay ka dabooli jirtay kharajka tacliinta ee dugsiyadiisii hoose iyo dhexe. wuxuu dhigtay dugsiga Imaam Khaddiib oo ahaa iskuul diini ah oo lagu barto culuumta Islaamka, kaddibna wuxuu galay kulliyadda dhaqaalaha ee Jaamacadda Marmara.

Markaas kaddib wuxuu dabayaaqadii toddobaatameeyadii ku biiray xisbigii Khalaas Al-waddani oo uu guddoomiyaha ka ahaa Najmu-diin Arbakaan, hayeeshee af-gambigii milateri ee ka dhacay Turkiga 1980-kii ayaa meesha ka saaray xisbiyadii siyaasadda. Saddex sano kaddib ayay xisbiyada kusoo laabteen Turkiga, wuxuuna xilligaas Ergogan noqday xubin aad u firfircoon oo ka mid ah xisbiga Rafaah, isagoo olole weyn uga galay xisbiga uu ku biiray magaalada Istanbuul.

Doorashooyinkii 1994-tii ayaa xisbigaasi Rafaah u sharraxay Erdogan inuu noqdo duqa magaalada Istanbuul, guul weyn ayuuna doorashadaas kasoo hoyay.

Afar sano kaddib 1998-dii ayuu aasaasay xisbiga cadaaladda iyo horumarka, hase yeeshee waxaa lagu eedeeyay inuu sameeyay kicin, is-nacayb iyo kala tag, isagoo adeegsanaya Diin, taasoo sababtay in xabsiga laga mamnuuco inuu qabto xil dowladeed, xilligaasna wuxuu ku jiray ololaha doorashada eek a socotay Turkiga oo dhan. Waxaana taasi ay ku qasabtay inuu dhowr bayt gabay Turki ah ka hor akhriyay dadweynaha.

Wuxuu iska difaacay dhammaan eedeeymihii loosoo jeediyay,  isagaoo xiriirkii aragtiyeed ee kala dhaxeeyay saaxiibadiisa siyaasadda ee dhanka Islaamka u janjeera isku dayay inuu u difaaco hab aan siyaasadda kala saaridda diinta iyo siyaasadda ama cilmaaniyadda aan si toos ah uga hor-imaanayn.

Taageerayaasha cilmaaniyadda ayaa u adeegsaday warbaahinta, iyagoo ku dhaliilaya inuu hirgelinayo aragtida dhisidda jamhuuriyad Muslim ah oo la yiraahdo Turki, taasoo kusoo jeedisay indho badan oo aan siyaasaddaas la dhacsanayn.

Mucaaradkii kasoo horjeeday ayaa ka sameeyay dacaayad ahayd inuu doonayo inuu u dhaqmo sida Vladimir Putin-ka dalka Ruushka iyo Selvio Berlusconi-ga dalka Talyaaniga.

Xisbiga caddaalada iyo nabadda ayaa ka qaybgalay doorashooyinka golaha shacabka ee 2002-dii ka dhacay Turkiga, iyadoo xisbigu helay 363 kursi, taasoo ka dhignayd guul ka yaabisay dadkii kasoo horjeeday.

Guushaas waxay horseeday inuu madaxweyne noqdo Cabdalla Gull oo isna inta buriyay xukunkii ku dhacay Erdogan isla markaana xeerkii lagu ciqaabay  meesha ka saaray uu u magacaabay xilka ra’iisul wasaarenimada Turkiga.

Erdegan wuxuu horseeday in dalka Turkiga uu helo xasillooni siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho, wuxuu heshis la galay dowladaha Azerbaijan iyo Yugoslavia, isagoo sidaas oo kalena caawiyay dowladihii yar-yaraa ee Midowgii Sovieti, wuxuu la sameeystay heshiis iyo iskaashi dowladaha Ciraaq iyo Siiriya, isagoo furfuray siyaasadda Turkiga ee xiriirka caalamiga ah oo ahqyd mid hooseeysa, taasoo horseeday in magaalada Istanbuul ay noqoto magaalo ay ka muuqdaan dhaqammo kala duwan.

Raceb Tayyib Erdogan wuxuu sannadkii 2011-kii booqasho ku yimid xarunta Soomaaliya ee Muqdisho isagoo ay wehlinayeen xaaskiisa Aamina iyo xubno ka tirsan qoyskiisa iyo dowladdiisa, waxayna booqashadaas si lama filaan ah ugu soo jeedisay indhaha dunida xaaladdii adkeyd ee xilligaas ka jirtay dalka Soomaaliya, gaar ahaan Muqisho, isagoo xukuumaddiisa weydiistay in loo diro Soomaaliya kaalmo bani’aaddanimo iyo mid siyaasadeed, kaddibna wuxuu horseeday in adduunka intiisa kalena ay wax ka qabtaan gaajadii ba’nayd ee xilligaas ka jirtay Koofurta Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjirihii hore ee Turkiga u joogay Soomaaliya, Kani Toran ayaa horraantii sannadkan wuxuu sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uusan billaaban 2011-kii ee uu soo billowday sannadkii 1520-kii oo iminka laga joogo ku dhawaad 500 oo sannadood, xilligaasoo dowladdii Turkiga ka jirtay ee Cusmaaniyiintu ay hub iyo sahay u soo dirtay Axmed Ibaahim “Axmed Gureey” oo la dagaalamayay maamulkii Itoobiya ee xilligaas jiray oo gacan iyo taageero ka helayay dowladda Portugal, wuxuu salka ku hayay halgan ay Portugal iyo Itoobiyaba ugu jireen sidii ay u qabsan lahaayeen xeebaha Bariga Afrika ee Soomaaliya.

Dowladda Turkiga waxay shacabka Soomaaliyeed la garab taagan tahay taageero hiil iyo hooba leh, iyagoo rajeynaya in madaxweynaha cusub ee dalka Turkiga uu sii xoojiyo xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga iyo weliba sidii uu u kordhin lahaa taageerada dalkiisa iyo dadkiisu ay la garab-taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya