4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Kenya oo xubno lagu Tirinayo inay Al-shabaab yihiin ku Wareejisay Jarmalka

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Booliiska Jarmalka ayaa sheegay Axadii shalay inay dowladda Kenya ku wareejisay laba ruux oo looga shaki looga qabo inay ka tirsan yihiin Xarakada Al-shabaab ee Somalia, kuwaasoo dalka Jarmalka kasoo jeeda.

Labadan ruux ayaa la sheegay inay ku xiran yihiin Jarmalka, iyadoo xubno u hadlay booliiska dalkaas ay sheegeen in labadan ruux ay ciidamada Kenya qabteen bishii Ogoosto ee lasoo dhaafay.

Eedeysanayashan aya shalay kasoo muuqday maxkamadda federaalka dalka Jamralka, iyadoo lagu soo oogay dacwad ah inay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo dalka Jarmalka looga aqoonsan yahay koox argagaxiso ah, sida uu war-baahinta u sheegay sarkaal ka tirsan Jarmalka. Iyadoo labada ruux dib loogu celiyay xabsiga.

Tuhmanayaashan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa; Muniir T. oo 30 jir ah asal ahaanna kasoo jeeda dalka Tuuniisiya iyo C/wahaab W. oo isna 22-jir ah oo aan la sheegin dalka uu kasoo jeedo.

Saraakiisha booliiska Jarmalka ayaa sheegay in labadan ruux ay ka tageen dalka Jarmalka sannadkii 2012 ayna aadeen Soomaaliya, iyagoo sheegay in la rumeysan yahay in labadan ruux ay tababar ciidan kusoo qaateen xeryo ay Al-shabaab ku leedahay gudaha Soomaaliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo bil ka hor lagu dilay magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa haweeney u dhalatay dalka Jarmalka oo u tagatay magaaladaas dalxiis, dilkaasoo xukuumadda Kenya ay ku eedeysay Al-shabaab.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku saabsan in labadan ruux ee dhalashada Jarmalka haysta ay ka tirsanaayeen xoogagga u dagaalama iyo in kale.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya