4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 22, 2014
Ciidammo isku Diyaarinaya inay Weerar ku Qaadaan Deegaannada Al-shabaab

Isniin, September 22, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa sheegay in ciidammo isugu jira kuwa dowladda Soomaaliya, AMISOM iyo kuwo Mareykan ah ay haatan isku diyaarinayaan weerar cir iyo dhul ah oo ay ku qaadaan deegaannada ay k sugan tahay Al-shabaab.

Guddoomiyaha degmada Qoryooley, Maxamed Cismaan ayaa xusay inay socdaan abaabulo xooggan oo lagu qorsheynayo in lagu weeraro deegaannada ay Koonfurta Soomaaliya kaga sugan tahay Al-shabaab.

“Degmada waxaa ku sugan ciidammo isugu jira, kuwa dowladda, AMISOM iyo kuwo Mareykan ah, kuwaasoo isku diyaarinaya inay weeraraan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobolka Shabeellada Hoose iyo kuwa kale ee Koonfurta Soomaaliya,” ayuu yiri guddoomiyaha oo aan tafaasiil intaa ka badan bixin.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa xusay in howlgalku uu billaaban doono bisha soo socda ee Oktoobar horraanteeda, balse wuxuu ka gaabsaday inuu xuso rasmi ahaan maalinta uu billaabanayo howlgalka.

“Arrintu waa mid ciidan, mana doonayo inaan halkan ka sheego xilliga rasmi ahaan uu billaabanayo, balse waxaan idiin xaqiijinayaa in howlgalkan goor-dhow uu billaaban doono,” ayuu hadalkiisa ku daray Cismaan.

Dhanka kale, gudoomiyaha degmada Qoryooley ayaa sheegay inay jiraan rag ka tirsan Al-sbabaab oo isku soo dhiibay dowladda, kuwaasoo uu xusay inay sheegeen inay isi soo dhiibeen iyagoo ka faa’iideysanaya 45-kii cisho ee ay dowladdu horay u qabatay.

Hadalka mas’uulkan ayaa imaanaya iyadoo guddoomiyaha gobolkaas uu ka dhawaajiyay shalay oo Axad ahayd in howlgalka hakad loo geliyay sababo la xiriira waqtiga ay dowladdu u qabatay xubnaha kasoo baxaya Al-shabaab.

Xarkada Al-shabaab ayaa ka talisa deegaanno badan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo uu ka mid yahay gobolka Jubbada dhexe oo ay iyadu ka taliso gabi ahaantiis.

Massxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya