4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 9 , 2014
Madaxweyne ku xigeenkii Waddanka Afgaanistaan oo Geeriyooday

Axad, Maarso 09, 2014 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee Afganistan  Marshal Maxamed Fahim ayaa maanta la xaqiijiyay geeridiisa, kaasoo 57 sano jir ahaa, waxaana lagu wadaa in aas Qaran loo sameeyo dhawaan, iyadoo ay ka qayb-geli doonaan madaxda dalka ugu sarreysa.

 War kooban oo uu maanta sii daayay afhayeenka madaxtooyada Afganistan Aimal Faizi ayuu ku sheegay in Fahim uu geeriyooday ,isla markaana qaranka ay u tahay maalin aan wanaagsanayn ,maadaama hogaamiye sare uu ka geeriyooday.

"Dowladda waxa ay  qaban-qaabinaysaa seddex maalin oo baroordiiq ah, isla markaana calanka hoos loo dhigi doono "ayuu ku  yiri Faizi hadal uu ku soo qoray Twitter-kiisa isagoo xusay in geeridan oo kale ay ku timaaddo umad walba oo addunka daafaheeda ku nool.

Masuulkan geeriyooday oo xilkan qabtay sanadkii 2009-ka ayaa muddo dhan la xanuunsanayay cudurka macaanka loo yaqaan,taasi oo keentay inuu u geeriyoodo',waxaana maanta isugu soo baxay caasimadda Afganistan dadweyne badan oo aad u marugaysan.

Waxaa uu Marshal soo caan baxay sanadkii 1990-kii markaaso oo uu kamid ahaa dadkii la dagaalamayay midowgii Sofiyetka ,iyadoo dadka qaar ee Afgaanistan ay aaminsanyihin in uu ahaa dagaal ooge ka soo qayb-qaatay dagaallo sokeeye.

Fahim ayaa ku dhashay gobolka Panjshir 1957-dii ,waxaana intii uu dowladda ku jiray uu ka bad-baaday dhowr isku day  dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo, waxaana shabakadaha Internet-ka uga tacsiyadeeyay qaar kamid ah madaxda adduunka.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]