4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Shirkii qorshe-hawleedka Xukuumadda PL oo soo xirmay(SAWIRRO)

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Shir labadii maalmood ee ugu dambeeyey Golaha Wasiirrada Puntland uga soconayey hoolka shirarka Jaamacadda PSU ee magaalada Garoowe ayaa galabta soo gabagaboobay.

Shirka waxaa looga hadlayey qorshaha Xukuumadda ee sannadka 2014, waxaana diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsanaa sidii looga dhabeyn lahaa ballanqaadyadii ay horay dowladdu u sameysay, loona dejin lahaa qorshe howleedka wasaarad kasta.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa loo qaybiyey shan guddi, waxaana gabagabadii shirka laga soo saaray saddex qodob oo kala ahaa:

1-In wasaarad weliba ay fuliso qorshayaasha dowladda waqtiga loo xadiday.
2-In wasaaraduhu isula shaqeeyaan qaabka guddiyada loo qaybiyay.
3-Iyo in guddi walba soo gudbiyo warbixinta waxqabadka wagtiga loo cayimay.

Madaxweyne C/weli Gaas ayaa shirka si rasmi ah usoo xiray, wuxuuna sheegay in ay lagama maarmaan tahay in lays waafajiyo siyaasadda guud ee dowladda iyo qorshe hawleedka wasaaradaha, si looga jawaabo cabasho kasta oo dhanka bulshada ka timaada loona hirgeliyo ballanqaadyadii ay horay dowladdu u samaysay.

Arrimaha sida gaarka ah sannadka ugu horreeya ay xukuumaddiisu diirrada u saari doonto wuxuu sheegay inay kamid yihiin: toosinta haykalka guud ee dowladda, xoojinta amniga iyo dib-u-dhiska hay'adaha ammaanka, dimuqraadiyeynta, horumarinta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo dayactirka kaabeyaasha dhaqaalaha.

Golaha Wasiirrada Puntland ayaa ka kooban 47 xubnood, waxayna isugu jiraan wasiirro, wasiir ku-xigeenno iyo weliba wasiiru-dowleyaal. Afar xubnood ayeyna dumarku Golaha ku leeyihiin.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya