4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 8 , 2014
Dagaallo ka socda Gedo iyo Itoobiyaanka oo kusii siqaya Buurdhuubo

Sabti, Maarso 08, 2014 (HOL) — Dagaal xooggan oo la isku adeegsanayo hub kala duwan ayaa ka soconaya deegaanka Sheekh Baar oo qiyaastii 18 km u jira degmada Buurdhuubo ee gobolka Gedo iyadoo dagaalkan uu u dhexeeyo xoogagga Al-shabaab iyo ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garabsanaya kuwa Itoobiya.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay saaka gaareen deegaanka Qorof halkaasoo ay ku sugnaayeen xoogagga katirsan Al-shabaab, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal xooggan iyadoona lagu soo waramayo in ay jireen madaafiic xooggan oo la isu adeegsaday.

Illaa imika ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi, waxaana lagu soo waramayaa in barakac xooggan uu ka jiro degmada Buurdhuubo, iyadoo dadka deegaankaasi ay beegsanayaan deegaanada nabdoon ee gobolka Gedo iyo weliba deegaano ka tirsan gobolka Bay.

Ma jiraan wax mas’uuliyiin ah oo ka hadlay khasaaraha kala gaaray ciidankii labada dhinac ee uu dagaalku dhexmaray, iyadoo dagaalladan ay qayb ka noqonayaan kuwo ka billowday gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya oo dhawaan kamid noqday howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxa ay howgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab ay ka wadan gobollada badan oo ku yaal koonfurta dalka Soomaaliya.

XasanNuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya