4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Ciidamada Itoobiya oo Dhaq-dhaqaaqyo Millateri ka wada Gobollada Dhexe

Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM oo gacan militari ka hellaya ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa dhaq-dhaqaaqyo militari ka bilaabay qeybo ka mid ah gobollada dhexe Soomaaliya.

Wararku waxaa ay sheegayaan in ciidamada dowladda Itoobiya is abaabul iyo diyaar garoow dagaal ka wadaan dhinaca degmada Dhuusa-mareeb ee gobolka Galguduud, iyaga oo isku diyaarinaya duulaan ka dhan deegaannada Al-shabaab ay kaga sugan yihiin gobolka, gaar ahaan degmada Ceelbuur oo ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Al-shabaab gobolka Galguduud..

Sidoo kale, ciidammo Itoobiyaan ah oo saacadihii ugu danbeeyay ka ruqaansaday fariisimo ay ku lahaayeen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay ku sii jeedaan deegaannada Al-shabaab ay ka maamulaan gobolka, gaar ahaan degmada Maxaas iyo deegaannada ku dhaw dhaw.

Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa siweyn u hadal haya abaabulka dagaal iyo is ballaarinta ay wadaa ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan, xili todobaadkii hore lala wareegay gacan ku heynta degmada Buula-burte oo lagu tilmaamo in ay aheyd saldhigii ugu weynaa Al-shabaab ee gobollada dhexe.

Dhaq-dhaqaaqyada militari ee laga dareemayo gobollada dhexe Soomaaliya ayaa waxaa sii xoojinaya wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo maalintii shalay gaaray degmada Dhuusa-mareeb, kuwaa oo kulamo kala duwan la qaatay saraakiisha iyo mas'uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud, iyaga oo ka wada hadllay xoojinta dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Lama oga sida saacadaha soo socda wax isku badalli doonaan, waxaana xusid mudan in xoogagga xarrakada Al-shabaab dhinacooda wadaan is abaabul ay uga gaashaamanayaan duulaanka uga soo foolka leh ciidamada is baheysanaya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya