4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 20, 2014
Suxufiyad lagu kufsaday Muqdisho oo HOL uga warrantay dhibkii loo geystay


Khamiis, Maarso 20, 2014 (HOL) — Faadumo C/qaadir Xasan oo ahayd gabar ka mid ah suxufiyiinta Soomaaliyeed oo lagu kufsaday Muqdisho sannadkii hore, iyadoo haatan joogta magaalada Roma ee xarunta dalka Talyaaniga ayaa waxay HOL uga sheekeysay dhibkii loo geystay.

Suxufiyaddu waxay sheegtay inay si bareer ah u kufsadeen laba wariye oo ka tirsan Radio Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Somalia, markii ay dhibaatadii loo geystay dibadda soo dhigtayna la xiray iyada, wariyihii wareystay iyo agaasimaha Radio Shabelle.

“Waxaan haatan haystaa fursad wanaagsan iyo xorriyad aan kaga sheekeyn karo dhibkii la ii geystay iyo cadaalad-darradii aan kala kulmay maxkamadda gobolka Banaadir, iyadoo aniga iyo laba wariye oo dambi laawayaal ah nala xiray, halka wariyeyaashii i kufsaday ay si nabadgalyo ah ku marayaan magaalada iyagoo aan wax ciqaab ah la kulmin,” ayay HOL u sheegtay Faadumo.

Sidoo kale, waxay sheegtay inay haatan doonayso inay u dooddo gabadho Soomaaliyeed oo sideeda oo kale dhibaato loogu geysto Muqdisho oo aan ka hadlin karin dhibaatada joogtada ah ee lagu hayo, balse ay iyadu go'aansatay inay codka gabdhahaas ku hadasho, si dunidu u ogaato dhibaartada lagu hayo gabdhahaas Soomaaliyeed.

Mar ay HOL weydiisay su’aal ahayd inay doonaysay in dibadda loosoo qaado, ayay tiri: “Taasi ma ahayn fikirkeyga, hadda meel xor ah oo aan dhibkii la ii geystay six or ah uga sheegi karo ayaan joogaa, balse waxaan doonayaa inaan u doodo gabadhaha aynigayga ah oo aan sheegan karin dhibaatada lagu hayo.”

Faadumo oo sii hadlaysay ayaa sheegaty in guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur uu ula hadlay qaab anshax-darro ah intii ay socotay dacwadda kufsigii loo geystay.

“Dhab ahaan aniga waxaa i kufsaday, laba wariye oo kala ah: C/casiis Maxamuud Guuleed (Afrika) iyo Jabriil Cabdi oo labaduba ka tirsan shaqaalaha Raadiyo Muqdisho oo ah midka ku hadla afka dowladda, waxaana cadaalad-darrada ugu weyn ee aan tirsanayo ay tahay in iyagiina la sii daayo anigoo dhibbane ahna xukun la igu rido,” ayay Faadumo C/qaadir ku dartay hadalkeeda.

Suxufiyadan ayaa sidoo kale, sheegtay inay ka mid tahay cadaalad-darrada ay ka tirsanayso maxkamadda gobolka Banaadir iyo guddoomiyaheeda in wariye Maxamed Bashiir Xaashi iyo C/maalik Yuusuf oo ah milkiilaha Radio Shabelle lagu xukumay xarig ay iibsan karaan anigana la igu xukumay xabsi-guri aanan iibsan karin.

Ugu dambeyn, Faadumo waxay sheegtay inay si weyn ugu mahadcelinayso aabbaheed oo dadaal weyn u galay sidii ay uga soo bixi lahayd xabsiga, sidoo kale waxay u mahadcelisay Shukri Siciid oo ah gabadha ka shaqeysay inay Talyaaniga targto iyo hay’adda Elman, gaar ahaan guddoomiyaha hay’adda Fartuun C/salaan Aadan oo ay sheegtay inay u qabatay gar-yaqaankii u doodayay, aadna u taageertay intii ay xabsiga ku jirtay.

Hiiraan Online, News Desk