4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Danjire Nicholas Kay oo soo dhaweeyay Howlgallada ka socda Gobollada dalka

Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa soo dhaweeyay horumarka laga gaaray guusha millateri ee ay soo hoyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ee Koonfurta Baratamaha Soomaaliya.

“Waxaan ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ugu hambalyaynayaa gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah iyo goobaha kale ee ay ka qabsadeen Al-shabaab. Waxaan ciidamada Somalia iyo jaalkooda AMISOM ku ammaanayaa sida ay uga go’an tahay inay natooda huraan,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale erayga ayaa hadalkiisa ku daray: “Qaramada Midoobay waxay sii wadi doontaa taageerada howlgalladan,  iyadoo la raacayo qaraarkii Golaha Ammaanka ee tirsigiisu yahay 2124 iyo siyaasadda xuquuqda aadanaha ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay. Waxaa muhiim ah in sharciga caalamiga ah ee dagaallada iyo xuquuqda aadanaha si buuxda loo dhowro.”  

Danjire Kay wuxuu sheegay in dagaalku uu saameeyay dadweynaha rayidka ah ee ku nool deegaannada howlgallada laga fuliyay, isagoo xusay in Qaramada Midoobay iyo bulshada caalamkuba ay billaabeen inay wax ka qabtaan baahida gar-gaarka ee bani’aadanimada, haddii ay suuro-gal tahay in la gaaro, baahidana la qiimeeyo.

“Soomaalida ku nool goobaha ay hadda dowladdu ka taliso waa inay si deg-deg ah u helaan waxay u baahan yihiin: sida nabadgelyo iyo caddaalad iyo inay helaan adeegyada caafimaadka, waxbarashada iyo nolol wanaagsan,” ayuu mar kale yiri ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Dhanka kale, ergaygu wuxuu soo dhaweeyay qaybta ay bulshada caalamku kaga jirto dadaalka dowladdu ugu jirto sidii ay u xaqiijin lahayd inay Soomaalida uga faa’iideyso nabadda iyo xasilloonida, wuxuuna ku baaqay taageero caalami ah oo intaa ka badan.

“Qaramada Midoobay waxay taageertaa dadaallada xasillinta dalka, taasoo ay ka mid tahay in si deg-deg ah ay ugu deeqdo 3-Milyan oo doollarka Mareykanka ah oo ka imaanaysa sanduuqa nabad-dhisidda Qaramada Midoobay,” ayuu Kay yiri.

Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu yiri: “Tani waa marxalad taariikhi ah marka la eego halganka ay Soomaaliya ugu jirto sidii ay nabad ugu keeni lahayd dhammaan dadka Soomaaliyeed. Saaxiibada Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si deg-deg ah oo deeqsi ah ugu gurmadaan.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya