4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Shirkadda Hormuud oo Saamilieydeeda Shir ugu Qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Shir sannadeedka saamileyda shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka qayb-galeen mas’uuliyiinta shirkadda, saamileyda iyo marti-sharaf kale oo fara badan, waxaa lagu soo bandhigay wax-qabadka horumarka shirkaddu ay ku tallaabsatay.

Agaasimaha Hormuud Telecom Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo hadal dheer ka jediyay shirka ayaa sheegay inay wax u qabteen dad fara badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in curyaamiin fara badan ay ugu deeqeen baaskiillada curyaaminta loogu talo-galay, isla markaana ay shaqo u abuureen dad badan oo xoogsato ah.

Sidoo kale, agaasimaha ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan iskuul ay wax-ka-bartaan indhoolayaasha oo ay dhigtaan dhammaan ardayda indhaha la’ ee ku nool Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka. Waxaa kaloo uu sheegay inay gurmad u sameeyeen dadka uu ku soo fatahay webiga Shabelele ee gobolka Shabellada dhexe, ayna afurin u sameeyeen initii lagu jiray bishii Ramadaan dad badan badan oo ay ku jireen maxaabiista ku xiran xabsiga dhexe ee Mudisho.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Maamulaha guud ee shirkadda Hormuud Telecom, Maxamed Aadan Faarax oo isna goobta ka hadlay ayaa u  ballan-qaaday deeqo waxbarasho ardayda kaalinta hore ka gala dugsiyada dhexe ee hoos-taga dallada wax-barashada dalka.

“Horumarka ay shirkaddu gaartay waxaa saldhig u ah howl-wadeennada shirkadda oo daacadnimo iyo ammaano howshooda ku gudanayay,” ayuu yiri maamulka guud ee shirkadda Hormuud oo ka sheekeynayay marxaladihii kala duwanaa ee ay kusoo shaqeysay shirkadda Hormuud iyo heerka ay maanta marayso.

Guddoomiyaha shirkadda Hormuud, Axmed Maxamuud Yuusuf (Axmed Sucuudi) oo shirka soo gunaanday ayaa ugu horreyn u hambalyeeyey saamileyda shirkadda iyo marti-sharaftii kale ee goobta ku sugnaa, isagoo ka sheekeeyay horumarka ay ku tallaabsaday shirkadda iyo horumarka ay haatan higsanayso.

Axmed Sucuudi ayaa soo hadal qaaday Jaamacadda Hormuud oo uu sheegay inay dafcaddii ugu horreysay ay dhawaan qalin-jebin doonaan, isagoo xusay in howlaha jaamacaddu ay yihiin kuwo ku socda sidii loogu talo-galay.  

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa waxaa saami ku leh in ku dhow 5,000 oo qof, waxaana si toos ah uga shaqeeya in ka bdan 4000 oo shaqaale ah, halka si dadban ay uga shaqeystaan kumanaan ruux oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya