4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Madaxweyne Siilaanyo oo furay Mashaariic laga Hirgaliyay Burco (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Siillaanyo oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku marayay gobollada Somaliland ayaa maanta xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgaliyey degmadda Burco.

Sidoo kale, madaxweyne Siilaanyo ayaa shahaadooyin guddoonsiiyay 121-arday oo ka qalin-jabiyay jaamacadda Burco, kuwaas oo uu ku hambalyeeyey aqoonta ay dalkooda gudihiisa ku qaateen.

Madaxweyne Siilaanyo waxa  uu xadhiga ka jaray mashaariic ay ka mid ahaayeen Guriga martidda oo laga hirgaliyey magaaladda Burco, guri loo dhisay badhasaabka gobolka Togdheer, waxa kale oo uu xadhiga ka jaray shan mashiin iyo hal ceel oo kuwo biyaha a oo wakaaladda biyaha ee Burco ku soo kordhisay.

Sidoo kale, Siilaanyo wuxuu xadhiga ka jaray ICT-Library oo loo sameeyey jaamacadda Burco iyo dhismo loogu tallogalay inay degaan martidda jaamacadda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu khudbad u jeediyay dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco oo si ballaaran u soo dhaweeyay isaga iyo weftigiisa, isagoo shacabka Burco uga mahadceliyay soo dhaweynta ugana waramay socdaalkii dheeraa ee uu kusoo maray gobollada dalka.

"Waxaanu tagnay deegaanno aanay dawlad iyo madax hore tegin isagoo sheegay in dadkii uu la kulmay ay si weyn u soo dhaweeyeen, kuwaasoo ku faraxsanaa inay arkaan madaxdooda," ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayey safarkiisa shaqo.

Madaxweyne siilaanyo ayaa sidoo kale waxa uu ka qaybgallay bilowga waddada dheer oo isku xiray Ceerigaabo iyo Burco oo laga soo billaabi doono magaalada Ceerigaabo furay, isla markaana dadweynaha ugu baaqay inay ka qaybgalaan dhamaystirka wadadaasi oo baahi weyn u qabaan dadweynaha ku dhaqan gobolka Sanaag.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhamaan la soo iibiyey gaadiidkii yo qalabkii lagu dhisi lahaa wadadaasi, waxaanu xusay in kharashkii ku bixi lahaa intii ugu badnayd ay bixisay xukuumada inta soo hadhayna laga rabo dadweynaha gudaha iyo dibada jooga.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland