4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Al-shabaab oo Shaacisay Magaca iyo Da'da Ruuxii Fuliyay Qaraxii Buulo-burte


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ruuxii fuliyay weerarkii ismiidaminta ahaa ee lagu qaaday degmada Buulo-burte uu ahaa dagaalyahan xoogaggooda ka tirsan oo ka yimid dalka Norway ayna da’diisu ahayd 60-sano jir.

Weerarkii degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan ayaa lala beegsaday hoteel ay deggenaayeen saraakiisha ciidamada Soomaalida iyo kuwa Jabuuti ee AMISOM ka tirsan, kaasoo geystay waxyeello nafeed oo isugu jirta dhimasho iyo dhaawac.

“Ruuxii fuliyay weerarkii Buulo-burte wuxuu ahaa 60-jir Soomaali ah oo ka yimid dalka Norway si uu ula dagaalamo cadowga Alle,” ayuu yiri afhayeenka howlgalka ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo u warramayay wakaladda wararka AFP.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa ku sheegay magaca ruuxaas, Cabdullaahi Axmed C/lle, isagoo sheegay inuu ka mid ahaa Soomaalida ku noolayd dalka Norway oo kusoo biiray dagaalka ay Al-shabaab ka waddo Soomaaliya.

“Wuxuu naftiisa qaaliga ah u bixiyay si uu Alle ugu dhawaado una laayo cadowgiisa. Dhacdadanna waxay na tusinaysaa inaysan jirin da’ u go’an jihaadka,” ayuu Sheekh Abuu-Muscab hadalkiisa ku daray.

Hay’adda sirdoonka Norway ayaa sheegtay in ay arrintaan baaritaan ku sameyn doonto. Iyadoo sarkaal u hadlay hay’adda PST oo lagu magacaabo, Siv Alsen uu u sheegay AFP inay jiraan dad badan oo Somali-Norwegian ah oo u aaday Soomaaliya si ay ugu biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee ay Al-shabaab ka fuliso Somalia, iyadoo ay horay ugu fuliyeen deegaannada aan gacanteeda ku jirin weerarro ismiidaamin ah oo khasaarooyin fara badan geystay.

Ciidamada Soomaalida iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ka qabsaday Al-shabaab degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ahayd goob ay aad ugu xooganaayeen.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli horay loo sheegay in Xasan Cabdi Dhuxuloow oo 23-jir ah ahna Soomaalida Norway uu ka mid ahaa xubnihii weeraray xarunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi, halkaasoo ay ku dhinteen 67-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya