4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Ra’iisul wasaaraha oo booqday askartii ku dhaawacmay weerarkii Buulo-burte

Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta booqday dhaawacmaydii askartii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay degmada Buula-Barde ee gobolka Hiiraan, isagoo u dhoofay dalka Switzerland si uu dalalka deeq-bixiyeyaasha ah ugu boorriyo in la caawiyo dadka ku nool deegaannadii dhawaan laga saaray Al-shabaab.

Booqashada ra’iisul wasaaraha uu ugu tagay dhaawacyada ku jira isbitaalka Xalane ayaa waxaa ku wehlinayay ra’iisul wasaare ku-xiggeen ahna wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xirsi Maxamed iyo xubno kale.

Mudane C/weli Sheekh oo mid-mid u booqday qaybaha ay ku jiraan dhaawacyada ayaa ka xog-wareystay xaaladda ay ku sugan yihiin, wuxuuna u rajeeyay askarta in dhaawacyadooda uu Alle u fududeeyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegay in booqashadiisu ay ahayd inuu la socdo xaaladda ay ku sugan yihiin dhaawacyada, isagoo intaa raaciyay inaysan joogsan doonin dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

“Waxaan soo booqanay ciidamadii sida geesinimada leh uga hortagay weerarkii argagixiso ee ka dhacay Buulo-Barde, caafimaad ayaan Alle uga baryayaa, waxaana leeyahay sii-wada dagaalka lagula jiro Al-shabaab oo nabadda kasoo horjeedda,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa isla maanta u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland, halkaasoo uu u tagayo arrimo la xiriirra sidii Soomaaliya looga gacan siin lahaa gargaarka dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaannada laga dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Safarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ugu ambabaxo dal ku yaalla Qaaradda Yurubh tan iyo markii xilka loo magacaabay dhammaadkii sannadkii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya