4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Madaxweynaha Puntland oo Magaacabay Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud

Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xilka wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland u magacaabay, C/raxamaan Yuusuf Dujaana oo horay xil wasiir ku xigeen uga soo qabtay dowladdii KMG ahayd ee ra’iisul wasaare Farmaajo.

Wareegto uu soo saaray madaxweynaha Puntland ayaa magacaabiddan si rasmi ah loogu shaaciyay Arbacada maanta ah, iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo C/raxmaan Dujaana uu xil wasiir uu ka qabto maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

C/raxmaan Dujaana ayaa wuxuu horay u ahaa taliyaha ciidamada nabad-sugidda Puntland, wuxuuna xilkan hayay muddo sannado ah, waxaan intii uu howshan ku jiray uu ku guuleystay inuu xoojiyo ammaanka Puntland.

Mas’uulkan maanta loo magacaabay wasiir ku xigeenka wasaaradda howlaha guud iyo gaadiidka ee Puntland ayaa xil sare ka gaaray ciidamada, wuxuuna xukuumaddii KMG ahayd ee Farmaajo uu ka noqday wasiir ku xigeenka wasaaraddii madanta, biyaha, tamarta iyo badroolka.

Wasiir  ku xigeenka oo magacaabiddiisa kaddib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo xilka loo magacaabay uuna u gudan doono si sharciga u dagfsan Puntland oo daacadnimo ay ku jirto.

Ugu dambeyn, wasiirka ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo madaxweyne C/weli Gaas, isagoo dalbaday in lala shaqeeyo, iyadoo wasiir ku xigeenka uu si rasmi ah uga mid noqonayo golaha wasiirrada Puntland.

Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ayaa bishii Jannaayo ee sannadkan ku guuleystay doorashadii ka dhacday Puntland, iyagoo bedelay C/raxaman Faroole oo ahaa madaxweynihii Puntland iyo ku xigeenkiisii, Jen. C/samad Cali Shire.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya