4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Hay'ada CCD oo soo bandhigay waxqabadkeedii Mudadii ay jirtay (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayay wax-qabadka hay'adda wadahadalka bulshada ee CCD lixdii sano ee ay jirtay ayaa maanta lagu qabtay Hoteelka City Palace ee magaalada Muqdisho.

Munaasabada ayaa lagu soo bandhigay Filim Documentary oo ka hadlayay wax-qabadii hay’adda oo ay ka mid ahaayeen: wacyi gelinta, siminaarada iyo doodo ay u qabatay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ka-qeyb-galayaashii munaasabada oo 500-ruux ahaa ayaa daawaday filimka oo soconayay muddo saacad barkeed ah, kaasoo inta badan lagu muujinayay howlihii ay qabatay CCD.

Ugu horreyn waxaa furay munaasbadda, Iimaam Maxamed Yuusuf oo ka mid ah madax dhaqameedyada Soomaaliyeed, isagoo u hambalyeeyay hay'adda, waxaana ku ammaanay inay ku baaqdo nabadda oo aanay colaad ku baaqin.

Guddoomiyaha hay'adda, Ciise Axmed Cumar oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa ka warbixiyay heerarkii ay soo martay hay'adda lixdii sano ee lasoo dhaafay isagoo caddeeyay inay kasoo baxeen xilli aad u adag oo aanay suuro-gal ahayn in la qabto siminnaaro iyo bannaanbaxyo, isla markaana dadweynaha ay ahaayeen kuwo cabsi ku jiray.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Sidoo kale, Ciise ayaa xusay in hay'adda hadafkeeda uu yahay sidii bulshada Soomaaliyeed fikirkooda saliimka ah u dhiiban lahaayeen, iyagoo aanay cabsi ku jirin, isla markaana ay ugu dhiirri-geliyaan sidii ay ku gaari lahaayeen doorasho xor ah oo ka dhacda Soomaaliya.

"Hay’addu waxay dalka ka shaqeynaysay lixdii sano ee lasoo dhaafay xilli ay inta badan Muqdisho iyo goballada gacanta ugu jireen Al-shabaab, waxay hay'addu ku dhiirratay inay shacabka wacyi-geliso, iyadoo Muqdisho ay Al-shabaab gacanta ku haysay, qof wax ka sheegi karta uusan jirin," ayuu yiri guddoomiye hay’adda.

Wuxuu sidoo kale sheegay in hay'addu ku guuleysatay inay barnaamijyadeeda ku saleysan wacyi-gelinta ay ku baahiso gobollada dalka qaarkood, ayna siminnaaro u qabatay odayaasha dhaqanka, ururrada bulshada rayidka, ururrada haweenka iyo dhalinyarada si ay u xoojiyaan doorkooda ku aaddan xoojinta horumarinta iyo xoojinta ammaanka dalka.

"Iyadoo Muqdisho aan lagu dhiirran karin in lagu qabto dibadbax ayay hay'addu u suuro-gasha in bannaanbixii ugu horreeyay ee ka dhaca Somalia ay qabato, kaasoo ay boqolaal shacab ah kasoo qaybgaleen, waxaana dibadbaxan oo ka dhacay meel ku dhow Tiyaatarka Qaranka uu ahaa mid looga soo horjeeday Al-shabaab,” ayuu mar kale yiri Ciise.

Guddoomiyaha CCD wuxuu kaloo sheegay in barnaamijyadii isugu jiray wacyi-gelinta iyo siminnaaradii ay u qabanayeen bulshada ay bar-bar socdeen tartamo isboorti oo is-dhex-galka bulshada ahaa, kuwaasoo ay ka qaybgaleen dhallinyarada degmooyinka Muqdisho ku nool.

Dhanka kale, wuxuu sheegay Ciise Axmed in hadafka ay hiigsaneyso 2014-ka illaa 2016-ka hay’adda CCD uu yahay sidii dalku u gaari lahaa nabad iyo doorasho, isagoo xusay inay habboon tahay in lala yimaado waddaniyad dhab ah.

"Aan is-weydiino waa maxay waddaniyad? Waddaniyaddu waa dareen ku dheehan dal jacayl, dad jacayl iyo u daacad noqosho dalkaaga iyo dadkaaga, adigoo aaminsan kuna kalsoon inaad ku taagan tahay waddadii saxda ahayd, ayna tahay wixii ugu fiicnaa oo ku dhaqaaqi lahayd xilliggaas. Haddaba sifooyinkaas iyo qaar kale qofkii laga helaa wuxuu noqonayaa waddani," ayuu yiri Ciise Axmed Cumar.

Munaasabadda ayaa waxaa xubnihii ka qeyb-galay oo ka hadlay ay sheegeen in wax-qadka hay'adda CCD ay tahay mid aan lasoo koobi karin, waxayna amaaneen wax-qabadkii lixda sano ee hay’adda.

Xubnihii ka hadlay munaasabadda waxaa ka mid ahaa, Muxiyadiin Xasan Afrax, Sheekh Cabdulqaadir Soomow, Canab Xasan Cilmi, Axmed Shuqul Sh. Aadan Dheere, waxayna dhammaantood qireen wax-qabadka hay'adda CCD iyo doorkeeda ku aaddan horumarinta bulshada, wacyi-gelinta iyo ka shaqeynta nabadgalyada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya