4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo Baaritaanno ku Qab-qabtay Dad badan

Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa saakay aroortii hore baaritaanno dad lagu qabqabtay ka sameeyay degmooyinka ka mid ah gobolka Banaadir, baaritaannadan oo lagu sheegay kuwo ammaanka lagu adkeynayo.

Baaritaannadan ayaa waxaa laga sameeyay xaafado degmada Hodan ka tirsan sida Zone K iyo qabo ka mid ah waddada Warshadaha oo degmooyin dhowr ah marta, iyadoo guryaha la baarayay.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadaha baaritaannada laga sameeyay ayaa sheegay in ciidanku ay qab-qabanayeen dhallinyarada, kuwaasoo qaarkood labisnaa dharka iskuullada, iyadoo dhallinyaradan laga soo saarayay guryahooda.

“Ciidamadu waxay baarayeen guryaha waxayna ahaayeen Soomaali, balse ciidan ka mid ah kuwa AMISOM ayaa waddooyinka xaafadahaas ku sugnaa, waxay horay u sii kexeysanayeen dhalliyarada ay uga shakiyaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka ku nool xaafadaha baaritaannada lagu sameeyay.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee howlgalladan hoggaaminayay ayaa u sheegay in howlgalkan uu qayb ka yahay mid lagu xaqiijinayo ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Dhallinyarada howlgallada lagu qabqbatay ayaa lagu haya goobo kala duwan oo ku yaalla xaafadaha baaritaannada laga sameeyay, iyadoo markii dambena ay gaadiid ay leeyihiin ciidamada booliiska Soomaaliya ay u qaadeen xabsiyada Muqdisho.

Intii ay howlgalladu socdeen ayaa waxaa hakad la geliyay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga, iyadoo dib loo furay 9:00 aroornimo ee saakay, markaasoo lasoo gaba-gabeeyay howlgallada.

Maalmihii ugu dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka socday howlgallo ay ciidamada  ammaanku ku qabqabanayeen dadka ay uga shakiyaan inay Al-shabaab ka tirsan yihiin, iyadoo sidoo kale ay Muqdisho ka socoto ururinta macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada Qur’aanka ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya