4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Turkiga oo dayactir Xooggan ka Wada Laamiyada Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Hay’adaha horumarinta dalka Turkiga ayaa Muqdisho kawada howlo ay ku dayactirayaan waddooyinka laamiyada ah ee caasimadda Soomaaliya, taasoo dib u soo celinaysay bilicdii magaaladu ay lahayd.

Howshan lagu dayactirayo waddooyinka Muqdisho ayaa waxaa qayb ka qaadanaya xubno ka socda Turkiga, waxaana dib loogu billaabay jidka Maka Al-Mukaraha oo ah midka ugu mihiimsan Muqdisho laami mar kale lagu shubayo.

Laamigan cusub ee la saarayo waddooyinkii horay laamiyada loo mariyay ayaa lagu sheegay inay tahay mid lagu xoojinayo laamiga si uu u noqdo mid muddo aad u fog shaqeeya.

Howshan oo ah wajigii koowaad ayaa lagu wadaa in marka la gaaro wajiga labaad ay hay’aha dalka Turkigu ku wareejiyaan howsha iyo qalabka maamulka gobolka Banaadir si ay halkeeda uga sii waddo, iyagoo sidoo kalena reebi doono quburo iyo howlwadeenno Turki ah oo kala shaqeeya maamulka gobolka dayactirka laamiyada Muqdisho.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dayactirka laamiyada ayaa la gaarsiin doonaa Muqdisho oo dhan sida ay sheegeen qaar ka mid ah howlwadeennada Turkiga oo haatan howsha faraha kula jira, tan oo qayb ka ah gargaarkii uu Turkigu ka billaabay Muqdisho tan iyo sannadkii 2011-kii oo booqasho maalin ah uu Muqdisho ku yimid ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn ula dhacsan howlaha uu Turkigu Muqdisho ka billaabay tan iyo markii uu yimid, iyagoo ku tilmaamay dowladda Turkiga mid ay ka go’an tahay inay wax-qabad muuqda ku caawiso shacabka Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaguna ku ammaanay Turkiga howlaha horumarinta ah ee uu kawado Muqdisho, iyagoo sidoo kale ku ammaanay in Turkigu uu mashaariic horumarineed uu ka billaabay gobollada Soomaaliya qaar ka mid ah.

Waddooyinka illaa hadda la dayactiray ayaa waxaa ka mid ah: waddada isku xirta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho iyo isgoyska KM4, waddada Maka Al-Mukarama oo ah tan ugu muhiimsan Muqdisho, jidka aada Tarabuurka, waddada isku xirta is-goyska Banaadir iyo isbitaalka Digfeer oo ay Turkigu dib u dhis iyo casriyeyn weyn ku sameeyeen.

Dhanka kale, hay’adaha Turkiga ayaa dhisay iskuullo kala duwan oo Muqdisho ku yaalla, kuwaasoo ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay, kuwaasoo uu ka mid yahay iskuulkii hore ee Farsamada oo ku yaalla KM4 iyo kuwo kale, iyagoo sidoo kale ballan-qaaday inay howlo kale oo horumarin ah ka fulin doonaan Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya