4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Rugta Ganacsiga Somalia oo shaacisay go’aannadii kasoo baxay Shirkii Dubai


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Xarunta Rugta Ganacsiga Somalia ayaa faahfaahin ka bixisay shirkii ganacsiga iyo maal-gashiga Somalia looga hadlay ee ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta,

Shirkaas ayaa waxaa ka qaybgalay wasiirrada, ganacsiga, xannaanada xoolaha iyo kalluunka Soomaaliya, safiirka Midowga Yurub ee arrimaha Somalia, madaxa Rugta Ganacsiga Dubai, agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya, ganacsato ajaanib ah, ganacsato Soomaali ah iyo marti sharaf kale.

Shirkan oo gacan ay ka geesteen, VAO-da, EU-da iyo HanVard Africa, waxaana ka akhriyay qodobbadii shirkaas kasoo baxay agaasimaha Rugta Ganacsiga Somalia, Cabdi Abshir Dhoorre waxayna ahaayeen sidan:

1. In hore loo dhaqaajiyo wada-shaqeeynta ganacsiga Soomaalida, UAE, dowladaha caalamka, si loo qaado tallaabooyin horumariya saddexda waaxood ee wax-soo-saarka Soomaaliya u badan yahay iyo suuro-gelinta suuqgeynta wax soo saarkaas sida: Beeraha, Xoolaha iyo Kaluumaysiga.

2. In lagu caawiyo dowladda Soomaaliya hir-gelinta shuruucda aan looga maarmin wax soo saarka saddexdaas waaxood si ay u suuro-gasho inay ka qayb-galaan tar-tanka suuqyada adduunka.

3. Aqoonsashada iyo taageeridda kaalinta ganacsigu kaga jiro soo kabashada dhaqaalaha Soomaalliya, gaara ahaan saddexdaas waaxood ee kor kusoo sheegnay iyo weliba macaadinta iyo ganacsiga guud.

4. Gacan ka geysashada iyo dayac-tirka kaabayaasha dhaqaalaha meelaha aadka muhiimka u ah, si loo caawiyo waaxyaha beeraha, xoolaha iyo kalluumaysiga, sida dekedaha, kawaannada hilibka casriga ah, faya-dhoowrka iyo sahlidda dhoofinta wax-soo-saarka dalka.

5. In la yareeyo waxyaabaha caqabada ku ah ganacsiga iyo koboca dhaqaalaha dalka.

Shirkan ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay miraha kala duwan ee ka soo baxa Soomaaliya, kalluunka iyo faa’iidooyinka xoolaha Soomaaliya ay leeyihiin, iyadoo kasoo qaybgalayaashii shirkaas ay aad u soo dhaweeyeen bandhigga lagu sameeyay wax-soo-saarka Soomaaliya

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya