4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Bandhiggii Wax-soo-saarka Soomaaliya oo lasoo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Bandhigii wax-soo-saarka iyo maalgashiga dalka Soomaaliya ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Dubai, kaasoo socday muddo labo cisho ah, iyadoo xarunta ganacsiga caalamiga ee Dubai lagu soo bandhigay wax-soo-saarka kala duwan ee Soomaaliya.

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen ganacsato Soomaaliyeed iyo maal-gashadayaal caalami ah ayaa waxaa casharo ka bixinayay qubaro caalami iyo Soomaali isugu jiray, iyagoo si  weyn xooggan u saaray qaabka la xiriira sida loo horumarin karo wax soo saarka dalka iyo jidadka loo mari karo.

Madaxa hay'adda FAO, Luga ayaa sheegay inay xoogga saari doonaan sidii ganacsatada Soomaaliyeed wax soo saarkooda loo horumarin lahaa, miraha ay beeraana looga iibsan tahay, intii dibadda laga keeni lahaa. Mr Luca ayaa sheegay in miraha Soomaaliya ka soo go'a lagu sameyn doono tayeyn, si loo dhiirri-geliyo wax soo saarka iyo maal-gashiga dalka.

"Soomaaliya waxay isugu taageeysa cagaheeda, beesha caalamkana arrintaas xil weyn ayay iska saarayaan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen," ayuu yiri madaxa FOA Mr. Luca.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Cabdi Abshir Dhoore oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay inay ganacsatada si aad ah isaga xil-saareen isku xirka ganacsiga Soomaaliya iyo kan caalamka, isagoo xusay inay gacan ka siin doonaan maal-gashadayaasha danaynaya inay dalka yimaadaan.

"Ganacsiga gaarka loo leeyahay waa midka maanta dunida ay ku kala horumartay, sidaas darteed ayaa u dhiirri- gelinay shirkan," ayuu agaasimaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ka sheegay shirka.

Shirkan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dhammaan wax soo saarka dalka, iyadoo maal-gashadayaasha caalamka ka socday, qubaradii iyo marti sharaftii kale uu si aad ah u soo jiitay kheyraadka badda iyo berriga Soomaaliya laga soo saaro.

Muddadii uu socday bandhiggan waxaa kasoo qayb galay mas'uuliyiinta ugu sarreysa hay'adaha wax soo saarka dalka qaarkood, ganacsato, shirkado caalami ah, qubaro iyo mas'uuliyiin ka tirsan dowladda sida, wasiirada xannaanada xoolaha Saalim Caliyow Ibrow, wasiirka kalluumeysiga, Colow iyo wasiirka ganacsiga, Aadan Saran-soor.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya