4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Maxkamad ku taalla Mombasa oo xukunno ku ridday dhallinyaro Soomaaliyeed


Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Ciidamada ammaanka Kenya ayaa howl-gallo ay ka sameeyeen magaalada Mombasa ku soo qab-qabtay Soomaali dhan 90-ruux oo ay ku jiraan haween iyo caruur ,kuwaasi oo qaarkood loo haysto in ay sharci darro ku joogeen gudaha Kenya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa ku booqday xabsi ku yaalla Mombsa 81-qof oo Soomaali ah ,kuwaasi oo Kenya ay sheegtay in ay dib ugu celinayso xerada qaxootiga ee Dhadhaab.

Qaar kamid ah dadkan ayaa laga soo taagay maxkamadda Kwale oo ku taalla magaalada Mombsa ,iyadoo qaar kamid ah lagu soo eedeeyay in ay taageerayaal u yihin kooxda Al-shabaab oo horey falal amniga liddi ku ah ka fulisay Nairobi.

Daa'uud Cabdul oo ahaa qareenka Soomalidan difaacayay ayaa sheegay in qaarkood ay si sharci ah ku joogeen dalka ,isla markaana loo baahanyahay in xoriyaddoodi dib loogu celiyo sida uu qabo dastuurka Kenya.

Qareenka ayaa ka codsaday qaadigii maxkamadda in marka hore caruurta aan qaan-gaarka ahayn iyo dadka sharciga haysta la sii daayo, taasoo markii danbe ay maxkamaddu aqbashay ,inkastoo ay jiraan tiro kale oo wali u xiran ciidamada amniga Mombasa.

Ugu danbayntii 21 kamid ah dadka la soo xiray ayaa qaadacay dacwadaha

 lagu soo oogay ,waxaana markii danbe ay maxkamaddu  xukunno ku riday dadkii lagu helay in ay sharci la'aanta ku joogeen Kenya, iyadoo qofkiiba lagu xukumay in uu bixiyo 40,000 oo lacagta Kenya ah, xariga lix bilood ah iyo waliba in dib loogu celiyo dalkoodi Soomaliya marka ay xukunadda dhamaystaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]