4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Shil Gaari oo ay dad ku Waxyeelloobeen oo ka dhacay Magaalada Kismaayo
Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Shilkan ayaa yimid kaddib markii gaadiid nooca xamuulka qaada ee loo yaqaan (UD) uu goostay bareegga taasoo keentay inuu waddada ka baxo isla markaana ay waxyeello kasoo gaarto laba qof.

Gaadiidkan ayaa waxa uu burbur lixaad leh u geystay goob farmasi ah, waxaana ay dhaawacyo kasoo gaareen mulkiilihii xaruntaas iyo qof kale oo xilligaasi ku sugnaa goobta.

Gaadiidka oo ay saarnaayeen alaabo bagaasha ah ayaa ka baxay wadada, kadib markii wadihii gaadiidka uu bareegii waayay, waxa uuna burburiyay goob ganacsi, waxa uunba burbur xooggan soo gaaray goobtii ganacsi iyo weliba hantidii taallay.

Dhaawacyada labada qofood ee ku waxyeeloowday shilka ayaa loola cararay isbitalka guud ee degmada Kismaayo si loogu daweeyo.

Dhinaca kale, waxaa mudooyinkii u danbeeyay magaalada Kismaayo kusoo badanayay shilalka gaadiidka, waxaana madaxda waaxda nabadgelyada wadooyinka ee maamulka Jubba ay u aaneeyeen gaadiidka oo kusoo badanaya magaalada iyo weliba wadooyinka oo ah kuwo ciriiri ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya