4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 19, 2014
Weerar Madaafiic ah oo xalay lagu Qaaday Xarunta Jaamacadda Kismaayo
Arbaco, Maarso 19, 2014 (HOL) — Dagaalyahanno ka tirsan xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weerar madaafiic ah ku qaaday xarunta Jaamacadda Kismaayo oo ku taal duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo, halkaasoo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM.

Qaar kamid ah dadka ku dhaqan xaafadda Siinaay ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in xalay ay maqlayeen daryanka madaafiic culus oo ay isweeydaarsanayeen ciidamada maamulka Jubba iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-shabaab.

Ilaa imika ma cada khasaarooyinka ka dhashay werarkaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo ka hadlay arintaasi.

Aaalaaba xoogagga Al-shabaab ayaa weerarro caynkan oo kale ah ka geysta saldhigyada ay ciidamada AMISOM iyo kuwa maamulka Jubba ku leeyihiin xarunta Jaamacadda iyo garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya