4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Madaxweyne Xasan oo booqday Askartii ku dhaawacamay Weerarkii xalay ka dhacay Buulo-burte (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamud oo maanta booqday askartii kusoo dhaawacmay qaraxii xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ayaa ammaanay askarta kuna bogaadiyay geesinimadooda iyo dhiiranaantooda.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta la keenay dhaawacyada askartii ku dhaawacmay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo isugu jiray Soomaali iyo ciidamada Jabuuti ee ka tirsan AMISOM.

“Waxaad sare hore kaga jirtaan dagaalka aan kula jirno cadowgeenna oo diiddan nabadda iyo horumarka dalka. Waxaadna hurteen naftiina qaaliga ah. Waxaan idiin kaga mahad-celinayaa naf-hurnimadiina iyo dhiiranaanta oo Qarankani ku dhisan yahay. Nafta aad hurteen waa mid dalka iyo diintaba u soo hoyay guulo is-daba-joog ah, argagaxisadana waan ka saaraynaa dalka oo dhan. EEBBE waxaan idin kaga baryayaa inuu dhaawaca idiin sahlo oo aad dhaqso u bogsataan,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya ku yiri askartii dhaawaca ahaa ee uu booqday.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa tacsi u diray shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaskii askartii ku geeriyootay weerarkii Al-shabaab ay xalay ka geysatay degmada Buulo-burte oo Al-shabaab lagala wareegay toddobaadkii hore.

“Howlgallada ciidamadu si wanaagsan ayay u billowdeen una socdaan, Al-shabaab waa laga saari doonaa dalka oo dhan. Hase ahaatee, maadaama laga guuleystay waxay isku dayayaan falal argagaxiso oo ay shacabka waxyeello ugu geysanayaan oo nooga wada baahan adkeysi midnimo iyo wadajir. Shakina iigama jiro ciidanka geesiyaasha ah ay sharafteenna iyo karaamadeena soo celinayaan Al-shabaabna laga guuleysan doono,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya