4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 18, 2014
Dowladda Somalia & AMISOM oo Cambaareeyay Weerarkii Buulo-burte


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa siyaabo kala gooni-gooni ah u cambaareeyay weerarkii Al-shabaab ay xaalay ku qaaday degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan.

Ergayga Midowga Afirka ee arrimaha Somalia, dajire Maxamed Saalax Anaadiif iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa tacsi u diray ehelladii askartii ku dhintay weerarkaas, iyagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Xalay gellinkii dambe ayaa weerar loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu qaaday hoteel Camalow oo ay daggenaayeen saraakiil isugu jiray kuwa dowladda Soomaaliya, kuwa maamulka gobolka Hiiraan iyo ciidamada AMISOM ee  dhawaan la wareegay degmadaas oo 125-km Koonfur kaga beegan Baladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan, weerarkaasoo lagu dliay askar iyo saraakiil.

"Weerarradan oo kale waa kuwo ay ciidanku la kulmayaan, balse waxaa naga go’an inaan la dagaallanno oo aan Somalia ka nadiifinno kooxaha argagixisada ah," ayuu yiri danjire Anaadiif, isagoo xusay inay ka go’an tahay sugidda amniga shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh oo maanta la kulmay guddiga amniga ayaa ku wargeliyay inay xoojiyaan howlgallada iyo dagaallada Al-shabaab lagula jiro si dalka oo dhan looga saaro.

“Waxaan uga mahadcelinayaa ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM guulihii ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab. Shacabka Soomaaliyeed waxay soo dhaweeyeen guulahaas, waxaana shacabka ku talinayaa inay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ka taageeraa sidii dalka oo dhan looga saari lahaa Al-shabaab,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, isagoo ka digay in Al-shabaab ay dib u soo celiyaan weerarkan oo kale.

Guddiga ammaanka ayaa ka hadlay xasilinta iyo sidii loo gaari lahaa magaalooyinka laga saaray Al-shabaab, waxaana uu ra’iisul wasaaruhu yiri: "Waxaan jirta baahi loo qabo in gargaar cunno lagu gaarsiiyo dadka ku nool deegaannadii Al-shabaab laga saaray. Dowladda ayaa billowday sidii loo gaarsiiyo gargaarka dadka goobahaas ku nool, waxaana beesha calaamka ugu baaqnay inay dadkaas cunno gaarsiiyaan."

Kulanka guddiga ammaanka ayaa waxaa ka qaybgalay, wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sh. Xasan, wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre, wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle, taliyaha xoogga dalka iyo xubno kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya