4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Afhayeenka AMISOM oo Xaqiijiyay inay Askar Jabuutiyaan ah Dhinteen


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay degmada Buulo-burte ay saddex askari oo Jabuutiyaan ah ku dhinteen, sidoo kalena ay askari oo Soomaali ah ku dhinteen.

Col. Xumad oo u warramayay idaacadda VOA-da ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid loo adeegsaday gaadiid waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, laakiinse ay ciidammadii ku sugnaa hoteelka ay ka hortageen. Dhaawacyadii ka dhashay weerarkana maanta la keenay Muqdisho.

“Weerarkii xalay dhacay waxaa loo adeegsaday gaari lasoo habeeyay, waxaana ku dhintay saddex askari oo Soomaali ah iyo saddex askari oo Jabuutiyaan ah, kuwo kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri afhayeenka oo intaa ku daray in wararka la sheegayo ay yihiin kuwo buunbuunin ah.

Afhayeenka ayaa ku hanjabay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay Al-shabaab uga saarayaan deegaannada ay Somalia uga sugan yihiin, balse ma uusan sheegin xilliga ay howlgalladan cusub billaabi doonaan.

Dhanka kale, Yuusuf Axmed Hagar (Daba-geed) oo isna VOA-da uga warramay dagaalkii xalay ka dhacay Buulo-burte ayaa sheegay inuu ku sugnaa hoteelka markii uu dagaalku uu dhacayay, ayna ciidamadu ka hortageen weerarka intii uusan soo gaarin hoteelka.

“Ciidamada ilaalada ka hayay hoteel Camaloow ayaa arkay gaari nalalka hore loo damiyay oo lasoo riixayo, markaas ayay kuwii kale wargeliyeen waana la qarxiyay intii uusan soo gaarin hoteelka, waxaana ka dhashay khasaare aad u yar,” ayuu yiri Yuusuf  Daba-geed.

Sidoo kale, Daba-geed wuxuu beeniyay inuu dhaawacmay, isagoo xusay in askar ay ka dhinteen ciidamada Jabuuti iyo kuwii Soomaalida ahaa ee Buulo-burte ku sugnaa inkastoo uusan sheegin tiradooda.

Ugu dambeyn, Yuusuf Dabo-geed wuxuu sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday qaar ka mid ah la dilay, toddoba ka mid ah ay ciidamadu gacanta ku dhigeen.

Weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee Al-shabaab ay ku qaaddo degmada Buulo-burte tan iyo markii ay ciidamada AMISOM kuwa dowladda Somalia iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ay Al-shabaab kala wareegeen degmadaas toddobaadkii hore.

Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo ay kaga hadlayaan weerarkii ay xalay ku qaadeen degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo ahayd degmo ay ku xooganaayeen intii aan laga qabsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya