4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Xaflad lagu Taageerayay Muun-gaab oo London ka Dhacday (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu taageerayay guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) oo ay ka qayb-galeen dadweyne aad u tiro badan ayaa 14-kii bishan lagu qabtay hoteelka Millenium Gloucester oo ku yaalla magalaada London ee dalka Ingriiska.

Dadweynihii kasoo qaybgalay munaasabadda ayaa watay calanka Soomaaliya, waxaana ka hadlay mas’uuliyiin aqoon durugsan u leh Jen. Muun-gaab iyagoo xusay in Muun-gaab uu kasoo billaabay howsha meel aad u hooseysa ayna taasi dhaxal-siisay in loo magacdaabo xilkan, waxayna dadkaasi sheegeen inuu leeyahay karti iyo howl-karnimo aan looga baran madaxda Soomaalida qaarkood; iyagoo u rajeeyay inuu halkiisa kasii wado howlaha culus ee loo magacaabay.

Waxaa xafladda ka hadlay odayaasha dhaqanka, culummo, siyaasiin iyo aqoonyahanno ku nool magaalada London iyo magaalooyinka kale ee Ingiriiska, kuwaasoo sheegay inuu isbedel uu kusoo kordhin doono gobolka Banaadir.

Dhammaan dadkii isugu yimid xafladda waxay muujiyeen kalsoonida ay u hayaan guddoomiyaha cusub, waxayna Alle uga baryeen inuu ku garab galo xilkan culus ee loo idmaday.

Xafladdan ayaa ka mid noqonaysa xaflado badan oo lagu soo dhaweynayay Duqa Muqdisho ahna guddoomiyaha gobolka Banaadir, Jen. Xasan Muun-gaab oo lagu qabtay dalal dhowr ah oo caalamka ku yaalla.









Nuur Maxamed, London
[email protected]