4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Bandhigga Wax-soo-saarka iyo Maalgashiga Somalia oo ka furmay Dubai


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Waxaa maalintii labaad galay shirka bandhigga wax-soo-saarka iyo maal-gashiga Soomaaliya oo ka furmay xarunta ganacsiga adduunka ee Dubai (Dubai World Trade Center).

Shirkan oo ay kasoo qayb-galeen mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, ganacsato ajaanib iyo Soomaali, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, madaxa Rugta Ganacsiga Dubai iyo marti sharaf kale.

Shirkan ayaa waxaa gacan ka geysatay safaaradda Soomaaliya ee Imaaraadka Carabta, iyadoo khudbad uu ka jeediyay qunsulka guud ee safaaradda, Cumar C/casiis oo sheegay in bandhiggan uu yahay mid lagu soo bandhigayo wax-soo-saarka Soomaaliya.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur (Saransoor) oo shirkan furay ayaa ka hadlay muhiimada ay Somalia u leeyahay maalgashiga iyo wax-soo-saarka dalka.

Saransoor ayaa sheegay in Somalia ay caan ku tahay wax soo saarka kheyraadka berriga iyo badda, isagoo uga mahad-celiyay qaban-qaabinta shirkan hay'adaha HANVARD iyo FAO oo bandhigan qeyb weyn ka qaatay.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Wasiirka ayaa ku ammaanay qaban-qaabiyeyaasha bandhigan sida ay isaga xil-saareen sidii ganacsatada Soomaaliyeed loogu dhiirri-galin lahaa horumarinta wax-soo-saarka iyo maal-gashiga.

Madaxa shirkada HANVARD Afrika, Xasan Nuur ayaa sheegay in haddii la dhiirri-geliyo ganacsatada ay sahlanaan doonto in dalka maal-gashi lagu sameysto, isagoo tusaale u soo qaatay magaalooyinka dalka ee ka jira horumarka iyo is-bedelka, wuxuuna qiray in Soomaaliya ay xilligan ka fiican tahay sidii hore.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in Somalia ay ku caan tahay wax soo saarka beeraha sida muuska oo dibadad loo iib geyn jiray, isagoo tilmaamay inay muhiim tahay in dalka la maal-gashado, wax soo saarkeedana dibadaha loo iib geeyo.

Madaxa Rugta Ganacsiga Dubai, C/raxmaan Saif Al-Ghurair ayaa ku dhiirri-geliyay ganacsatada Soomaaliyeed inay horumariyaan wax soo saarka, isagoo baaq u diray maal-gashadayaasha caalamiga inay Somalia maal-gashadaan, si wax soo saarka iyo kheyraadkeeda looga faa'ideysto.

Bandhigan caalamiga oo soconaya saddex maalmood ayaa ahaa kii u horreeyay noociisa ee lagu soo bandhigo wax soo saarka Soomaaliya, iyadoo dadkii kasoo qeyb-galay ay la yaabeen dhammaan kheyraadka dalkeena oo lagu soo bandhigay xarunta ganacsiga Dubai.

Madasha ayaa waxaa lagu soo bandhigay wax soo saarka Soomaaliya, gaar ahaan khudaarta noocyadeeda kala duwan, sida cambaha, muuska, babayga, liin bam-beelmada, xoolaha berriga, kalluunka iyo waxyaabo kala duwan oo ay la cajibeen dadkii ka soo qayb-galay bandhigan wax soo saarka iyo maal-gashiga Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya