4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Xarakada Al-shabaab oo Sheegtay Mas'uuliyadda dilkii Col. Af-guduud


Talaada, March 18, 2014 (HOL) -Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aaga tuulada Gal-gala, Jaamac Siciid Warsame (Af-guduud).

Af-hayeenka Al-shabaab, Sh. Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ayaa sheegay in dilka Taliye Af-guduud -oo shalay gelinkii dambe dhacay- ay iyagu ka dambeeyeen, islamarkaana ay ku khaarijiyeen weerar gaadmo ah oo qorsheysan.

"Mujaahidiinta Ilaah wuxuu u suurto geliyey inay kamiin u galaan sarkaal ka tirsanaa kuwa shahaado la-dirirka...kaas oo qaabilsanaa dhinaca buuraha Golis, ninkaas oo lagu magacaabi jirey Kol. Af-guduud..." Af-hayeenka Al-shabaab ayaa sidaas yiri.

Cali Dheere ayaa dhinaca kale sheegay in weerar is-miidaamin ahaa oo isla shalay ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Carbiska iyo Af-gooye ay ku dileen 12 qof tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.

Dadka weerarka ku dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayuu Af-hayeenka Al-shabaab wuxuu sheegay inay isugu jiraan Maraykan, Burundiis iyo Soomaali.

Ma jiro ilaa iyo hadda wax war ah oo ku aadan dilka taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan aagga Gal-gala oo kasoo baxay dhinaca dowladda Puntland.

Waa markii uu horreysey sannadkan 2014 oo weerar qorsheysan lagu dilo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya