4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Xayiraad ka qaadistii Axmed Nuur Jimcaale oo la Taageeray (SAWIRRO)


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Xafladaan oo lagu soo dhaweynayay xayiraaddii ay Qaramada Midoobay ka qaaday ganacsade, Axmed Nuur Cali Jimcaale ayna kasoo qayb-galeen siyaasiyiin, ganacsato, ururrada haweenka Qaranka, ururka dhallinyarada, salaaddiin, ugaasyo, culumaa’uddiin iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu qabtay maanta magaalada Muqdisho.

Dadka kasoo qayb-galay munaasabadda waxaa ka mid ah: guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur Tarsan, Deeqo C/qaadir oo guddoomiye ka ah degmada Wardhiigley, guddoomiyaha ururka dhallinyarada Soomaaliyeed, Maxamed Cabdirashiid, guddoomiyaha ururka haweenka Banaadir, Jawaahir Baar-qab, guddoomiyaha dhaqanka beelaha Muqdisho, Maxamed Xuseen Xaad iyo xubno kale.

Max’ud Axmed Nuur Tarsan oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in xayiraad ka qaadista ganacsade Axmed Nuur ay tahay mid muhiimad gaar ah u leh bulshada Soomaaliyeed isagoo ku dheeraaday waxqabadkii shirkadda Barakaat oo dhawaan xayiraadda laga qaaday.

Sidoo kale, C/llaahi Xuseen Kaahiye oo ku hadlayay ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa uga mahad-celiyay bulshada Soomaaliyeed qaabka ay u muujiyeen dareenka farxadeed ee ku aaddan xayiraadda laga qaaday ganacsade Axmed Nuur wuxuuna sidoo kale u mahad-celiyay madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo uu sheegay inay kaalin weyn ka geysteen xayiraadda laga qaaday ganacsadaha.

Bishii November ee sannadkii 2011 ayay ahayd markii Qaramada Midoobay ay ku soo rogtay ganacsade Axmed Nuur Cali Jimcaale iyo shirkaddii uu guddoomiyaha ka ahaa ee Barakaat, iyadoo muddo 13-sano ah kaddib ay Qaramada Midoobay dib xorriyadiisii ugu soo celisay ganacsadaha.









Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya