4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Deegaannada Galmudug oo laga Billaabay bixinta Kaararka Dhalashada

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Maamulka Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in guud ahaana deegaannada uu maamulkan ka taliyo laga billaabi doonno bixinta kaarar aqoonsiga muwaadinnimo, sidaa waxaa sheegay wasiirka arrimaha gudaha Galmudug.

Axmed Baasto waxaa kaloo uu soo hadal qaaday inay muhiim tahay qaadashada kaararkan maadaama qofkii aan qaadan uusan duullimaad sameyn karin, isagoo intaa ku daray in qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah laga doonayo inuu qaato kaaraka dhalashada iyo sidoo kale in carruurtiisa taariikh iyo tilmaan fiican u sameeyo.

"Shacabka Galmudug waxaan u fududeynay inay helaan kaarka cadeynaya in qofka uu yahay muwaadin Soomaaliyeed, waana arrin ay nagala shaqeeysay dowladda faderaalka, waana wax muhiim uu ah shacabka, maadaama qofka aan qaadan uusan dhoofi karin," ayuu yiri Axmed Baasto.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in ujeeddooyinka ugu weyn ee uu soo kordhinayo qaadashada kaarkan ay tahay mid qayb ka qaadanaysa sugidda amniga iyo in lala socda dhaq-dhaqaaqa qof walba.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Galmudug, Axmed Maxamud Xasan Baasto ayaa mar ay saxaafaddu weydisay sida laga yeeli doonno qofkii aan qaadan kaarka aqoonsiga waxuu ku jawaabay. "Waxaa u aqoonsanaynaa mid amniga wax u dhibi raba, isla markaana tallaabo sharciga wafaqsan ayaan ka qadaynaa, isagoo intaas raaciyay baaq uu shacabka ugu dirayo inay qaataan kaararka.

Dhinaca kale, duqa degmada Gaalkacyo ee Galmudug, Bile Diini Cali ayaa isaguna  dhankiisa sheegay in kaararka shacabka Galmudug ay ka qaadan doonan xarumaha dowladaha hoose ee deegaannada Galmudug.

Bile Diini Cali, waxuu tilmaamay in kaararkan laga doonaya inay qaataan dadka ka weyn da’da 14-sano jirka, isagoo intaa ku daray in kaararka aqoonsiga ay saameyn ku yeelan doonaan shaqada, isagoo xusay in qofkii aan qaadan kaarka uusan heli doonin wax shaqo ah.

Guud ahaanba gobollada dalka ayaa lagu wada in dhawaan la garsiiyo kaararka aqoonsiga muwaadinnimo, waxaana la sheegay in wax badan oo dhinaca amniga ah ay wax iska bedelayan haddii ay shacabku qaataan maadaama qofkasta xogtiisa ay ku jirto xarumaha laga siiyay kaarka.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya