4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
C/WELI GAAS: Puntland way isaga filan tahay la-dagaalanka Al-Shabaab

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa mar kale ku celiyay in maamulkiisu isaga filan yahay la-dagaallanka Al-shabaab.

Gaas ayaa intaas ku daray in  Puntland ay u toog hayso dhaqdhaqaaqyada iyo is-badallada dhanka amniga ee ka socda gobollada Koonfureed ee Somalia, halkaasoo ay ku dirirayaan dowladda Soomaaliya oo garabsanaysa AMISOM iyo Al-shabaab.

"Al-shabaab Puntland shacabkeeda iyo dowladeedu way isaga filan yihiin mana jirto wax cabsi ah oo an ka qabno; inay soo gaaraan deegaannadeenna waa suuro-gal maadaama laga saaray inta badan gobollada Koonfurta balse arrinta indha-dheer ayaan ka leenahay," ayuu yiri madaxweynaha Puntland, C/wali Gaas.

Tan iyo markii ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwo AMISOM  la wareegeen deegaanno dhawr ah oo ay ugu muhiimsan tahay Buulo-burte  ee gobolka Hiiraan, waxaa soo baxayay shakiga ah in xoogagga Al-shabaab ay u soo firxan karaan deegaannada nabdoon oo Puntland ay ka mid tahay, balse xilligan madaxweyne Gaas wuxuu sheegay inaysan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan Al-shabaab.

Dhinaca kale, wasiirka amniga Puntland, Xasan Cismaan Alloore ayaa dhankiisa sheegay  in Puntland sii xoojin doonto amniga deegaannadeeda ayna haysato ciidan suga oo ku filan. Alloore ayaa geesta kale tilmaamay in wali gacanta lagu hayo nin isagoo dhaawaca dhawaan Puntland lagu soo wareejiyay, haatanna lala tacaalayo caafimaadkiisa ka dibna sharciga la marsiin doono.

Alloore, wuxuu tilmaamay in Puntland ay soo dhaweynayso tallaabada ay dowladda Marekanka ku baadi goobayso hoggaamiyal sar-sare oo ka tirsan Al-shabaab oo uu ku jiro hoggaamiya kooxda ugu magacaaban Puntland.

Wasiirk wuxuu dhanka kale sheegay inay laf-tirkeedu baadi goob ugu jirto Yaasiin Kilwe oo madax u ah Al-shabaabka ka dagaallama buuraha Golis, kaasoo warbixin dowladda Maraykanka ay soo saartay ay ku dartay saddex sarkaal oo la dul-dhigay saddex milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Dagaallada ay sida wadajirka ah u wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa noqday mid saameyn ku reebay maamullada kale ee nabdoon; waxayna ka cabsi qabaan in dagaalyahaannada Al-shabaabku kusoo dhuuntaan deegaannada ay ka taliyaan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya