4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
XASAN SHEEKH: Goobihii Shabaab laga saaray waa in Gargaar la geeyo

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in si dhaqso badan gargaar bani’aadamnimo lala gaaro kumannaan qof oo ku nool deegaannadii laga saaray Al-shabaab.

“Waxaa naga go’an inaan cadowga ka saarno goobaha ay ku sugan yihiin, tanina waa war wanaagsan,” ayuu yiri madaxweyanha Soomaaliya oo wareysi siinayay wakalaadda wararka Turkiga ee Anadolu.

Howlgalladan milateri ayaa ka socda gobollada Koonfureed iyo kuwa dhexe iyadoo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen lix degmo oo ay awood ku lahayd Xarakada Al-shabaab.

“Waxaan u baahhanahay in gargaar bani’aadamnimo oo dhaqso ah lala gaaro dadka ku nool goobaha Al-shabaab laga saaray, waana in dadkaas ay helaan nabad,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynaha Soomaaliya.

Hay’adda UNOCHA ayaa waxay walaac ka muujisay in gargaar la gaarsiin karo meelaha Al-shabaab laga saaray, iyadoo hay’addu ay sheegtay in kumannaan qof oo shacab ah ay ku dhibaateysan yihiin goobihii ay howlgallada milateri ka dhaceen.

Laakiin waxaa jira hay’ado badan oo iyagu ku dhiiranaya inay goobaha kooxda Al-shabaab laga saaray ay tagaan si ay u caawiyaan shacabka ku nool oo qaarkood weli ku sugan deegaanada ku dhow-dhow degmooyinka Al-shabaab laga saaray.

“Waxaan sameynaynaa wax walba oo suuro-gal ah si hay’adaha gargaarku ay ugu gurmadaan dadka ku nool goobihii Al-shabaab laga saaray,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Isagoo intaas ku daray in gargaar dhaqso ah la gaarsiin doono goobaha cusub.

Ugu dambeyn, madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda ay kala shaqeynayaan qorshaha fog ee dib u soo celinta nabadda Soomaaliya, isagoo xusay in qorshooyinka ay billowdeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya