4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Wafdi Turki ah oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee G/Bay

Talaado, Maarso 11, 2014 (HOL) — Wafdi ka socday dowladda Turkiga ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay dajire ku xigeenka dalka Turkiga ee Soomaaliya.

Sidoo kale wafdigan Turkiga ah ayaa waxaa la socday, C/qaadir Maxamed Nuur oo ka mid ah shaqaalaha safaaradda Turkiga, waxaana kusoo dhaweeyay Baydhabo mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Wafdigan ayaa isla maanta booqday goobaha waxbarashada iyo isbitaalka wayn ee magaalada Baydhabo,  goob kasta oo ay tageenna waxaa warbixin siinayay Xasan Macallin Biikole oo ah guddoomiyaha Baydhabo, isagoo ku wargeliyay in bulshada Baydhabo ay u baahan yihiin gargaar, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Turkiga.

Mas’uuuliyiinta hoggaaminaysa wafdiga ayaa sheegay inay Baydhabo u yimaadeen sidii ay ugu kuurgeli lahaayeen xaaladaha caafimaad iyo waxbarasho magaalada Baydhabo.

Xildhibaannada ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee wafdigan Baydhabo kusoo dhaweeyay ayaa waxay isugu jireen kuwo taageersan shirka maamul u sameynta saddex gobol iyo kuwo kale oo taageersan shirka maamul u sameynta ee lixda gobol oo labaduba ka socda Baydhabo.

Ugu dambeyn, wafdiga Turkiga ayaa ballan-qaaday inay wax ka qaban doonaan waxbarashada iyo dhisidda Isbitaalo weyn ee degmada Baydhabo oo uu burbur aad u xooggan ka muuqdo.

Booqashada ay wafdigan ka socda dalka Turkiga ku tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo wafdi Turki ah ay halkaas ku tagaan, iyadoo dhawaan wafdi noocan oo kale ay tageen Baladweyne.

Hiiraan Online, Baydhabo