4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 9 , 2014
Al-shabaab oo soo Saartay Bayaan ay ku Mamnuucayso Internetka


Khamiis, Janaayo 09, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa muddo 15 casho ah u qabatay shirkadaha bixiya Internet-ka inay ku joojiyaan qaar ka mid ah adeegyada ay bixiyaan sida kuwa laga isitmcaalo taleefoonnada lagu qaato gacanta ee Mobil-ka loo yaqaan iyo internet-ka Fiber Optic-ga.

Al-shabaab ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ciddii aan qaadan amarkan ay u arki doonaan kuwo la shaqeeya waxay ugu yeereen cadowga, iyadoo sheegtay in amarkan uu saameynayo Soomaaliya oo dhan.

Kooxdan oo ka talisa deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Somalia ku yaalla ayaa warbixintan kasii daysy idaacad ku hadasha afrkooda shalay oo Arbaco ahayd, iyadoo xustay in warbixinta oo faahfaahsan ay waqtiyada soo socda baahin doonto.

Shirkadaha ku lugta leh adeegyada Internet-ka gaar ahaan kuwa Mobile-ka laga isticmaalo iyo kuwa kale ee ku cusub Soomaaliya sida Fiber Optic-ga ay ku joojiyaan adeegyadaas muddada loo qabtay ee 15-ka maalmood ah.

“Ruuxii ama shirkaddii fulin wayda amarkan, waxaa loo aqoonsan doonaa mid la shaqeysa cadowga, waxaana la tiigsan doonaa sharciga Islaamka,” ayaa lagu yiri bayaanka kooban ee ay Al-shabaab soo saartay.

Ma cadda in amarkan uu saameynayo shirkadaha bixiya internet-ka ee ka howlgala Soomaaliya iyo in kale, iyadoo aysan weli ka hadlin amarkan ka soo baxay Al-shabaab shirkadda Hormuud oo ah midda bixisa adeegyada internet-ka ee taleefoonka laga isicmaalo ama loo yaqaan 3G-ga.

Amarkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shirkadaha isgaarsiinta ay beryahan ku jiraan tartan xooggan oo dhinaca bixinta Internet-ka ah, iyadoo dadaalka ay wadeen uu amarkan ku yeelanayo saameyn aad u weyn.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u mamnuucday isbitaalka adeegga ZAAD oo ay hirgelisay shirkadda Hormuud, kaasoo ahaa mid dadku ay u isticmaali jireen inay lacagaha isaga xawishaan taleefoonnada, inkastoo xilli dambey ay kooxdu fasaxday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya