4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 10, 2014
Diyaarado duqeeyay Saldhig ay Al-shabaab ku lahayd Gobolka Gedo

Jimco, Janaayo 10, 2014 (HOL) — Saldhig ay Xarakada Al-shabaab ku lahayd deegaan lagu magacaabo Birta-dheer oo dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Gabahaarey ee gobolka Gedo ayaa la duqeeyay shalay gellinkii dambe.

Duqeyntan ayaa la sheegay inay geysteen diyaarado dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya, waxaana ku dhintay inta la ogyahay 10 ruux oo ka tirsan xoogagga Al-shabaab, inkastoo aysan weli kooxdan ka haldin khasaarihii ka soo gaaray duqeyntaas.

Mas’uuliyiin u hadlay maamulka Ahlusunna Waljmaaca ee Koonfurta Somalia ayaa sheegay in duqeynta ay la socdeen isla markaana khasaare xooggan loogu geystay Al-sabaab.

“Waa nalagu soo wargeliyay duqeynta, deegaanka la duqeeyay oo 20-km ka xiga koonfurta xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey waxaa ka talinaysay Al-shabaab, waxaana ku sugnaa hoggaamiyahooda sare, waana taas midda keentay in la duqeeyo,” ayuu yiri Sheekh Isxaaq oo ka mid ah culummada Ahlusunna.

Saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo iyo maamulka ayaan iyagu ka hadlin weli duqeyntan iyo khasaaraha ay geysatay, waxaana duqeyntan ay Kenya ka geystay gobolka Gedo ay noqonaysaa tii ugu horreysay oo sannadkan ay ka geysato halkaas.

Dowladda Kenya dhankeeda kama aysan hadlin duqeynta ay ku qaadday saldhigga ay Al-shabaab ku lahayd deegaanka barita-dheer oo dhowr jeer ay ku dagaalameen ciidamada dowladda Somaaliya iyo kuwa Al-shabaab ee ku sugan gobolka Gedo.

Xukuumadda Kenya ayaa sheegtay inay 31-kii Oktoobar 2013 ay duqeysay saldhig ay Al-shabaab ay tababar ku siinaysay qaar ka mid ah xoogaggooda oo ku yaalla duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay, iyagoo sheegay inay ku dileen 300 oo dagaalyahan, gaadiid badanna ay ku gubeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya