4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 20, 2014
Xoghayaha XSKK oo 27 sano kaddib Somalia ku noqday (SAWIRRO)


Khamiis, Feberaayo 20, 2014 (HOL) —Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale ayaa 27 sano kadib dalka dib ugu soo laabtay, iyadoo dhawaanahan ay dalka ku soo laabanayeen ciyaartoydii hore ee isboortiga oo Dalka muddo dheer ka maqnaa.

Xoghayaha XSKK Saciid Faarax Ducaale ayaa Muqdisho ku laabtay wuxuu sheegay in  uu dalka u yimid howlo shaqo   ujeedkiisa ugu wayna uu yahay sidii uu ku qabsoomi lahaa Tababar loo furayo garsoorayaasha XSKK,   tababarkaas oo uu bixin doono khabiir   ay u soo diri doonaan Xiriirka kubadda kolayga Afrika Bisha Marso ee sanadkan.

Ducaale  ayaa sheegay in uu  kulan la qaadan  doono xubnaha xiriirka ee howsha ka wada dalka gudihiisa  si uu wax oga ogaado  howlaha iminka socda.  "waxaa intaa ii xigi doona in aan howlo hormarin kubada kolayga ka qabto inta aan halkan joogo. Howlahayga waxaa ka mid noqon doona  in aan  Dowladda kala hadlo sidii ay garab  nooga siin lahady dayarticka garoonka Wiish  iyo in  la abuuro Mini Basket kubada kolagya ah oo iskuullada laga hirgeliyo si kooxaha  ay u helaan ciyaatoy mustaqbal leh " ayuu yiri Xogahaye Ducaale .

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO KALE

 Xoghayaha XSKK Saciid  Faarax oo daawanayay kulan ka tirsan Horyaalka K/Kolayga wareeggiisa hore ayaa tilmaamay in ay halkan joogaan ciyaartoy wanaagsan oo   u baahan  in la caawiyo si ay horumar u sameeyaan ,waxa uuna intaas ku daray in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro  garoonka Wiish. ”Halkan waa halkii aan ku soo barbaaray waxaa si gaar ah farxad iigu ah in uu maanta ku sugan yahay garoonka macalinkaygi wax isoo baray Qaasin Dhagnaas” ayuu sii raaciyay saciid Faarx oo qiiro dal jaceyl ay ka muuqatay.

Xogahayaha ayaa dhaka kale baaq u diray  Bahwaynta kubada kolayga meel kasta oo ay dunida ka joogaan,  waxuuna baaqiisa ku sheegay in qof kasta waxuu  awoodo  uu ku caawiyo XSKK  si loo horumariyo kubadda kolayaga Soomaaliyeed.

Dhanka kale  kulan ciyaareedkii shalay oo  ay foodda isku dareen kooxah k/kolayga I.L.S iyo PLasma University ayaa ku soo idlaaday  67 -27 oo ay guushu ku raacday kooxda I.L.S oo sidaa kula wareegtay Hoggaanka Horyaalk, iyadoo hal kulan ka haray horyaalka kaasoo Maalinta Sabtida ah dhexmari doona  Kooxaha Heegan iyo Dekedadaha .

Xuseen Maxamed Hadafow
email  [email protected]
Muqdisho, Soomaaliya