4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Ciyaar adag oo caawa dhexmaraysa kooxaha Arsenal iyo Bayer Munich


Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Ciyaartan oo ah lugta koowaad ee wareegga 16-ka ee koobka ugu qiimaha badan qaaradda Yurub ee Chmpions Leage ,waxaana kooxda Arsenal ay garonkeeda Emirates Stadium ku soo dhaweyn doonaan kooxda Bayern Munich oo sanadkii tagay koobkan ku guulaysatay.

Kooxda Arsenal caawa waxaa dhaawac uga maqan ciyaartoyda kala ah Ramsey, Walcott, Kallastrom, Abou Diaby iyo Arteta oo ganaax ku seegi doona ,halka kooxda Bayern Munich ay ka maqanyihiin ciyaaryahanada kala ah Franck Ribery, Holger Badstuber iyo waliba Shaqiri.

Waxaa ciyaartan dhex-dhexaadin doona garsoore Nicola Rizzoli, iyadoo loo arko kulankan mid ka mid ah kuwa ugu xamaasadda badan ee asbuucan la ciyaarayo, iyadoo ay u soo daawasho tagi doonaan kumanaan taageerayaal ah oo ka kala socda labada dhinac.

Kooxda Arsenal ayaa markii sedexaad la ciyaari doonta Bayren Munich wareegan 16-ka ee Champions League-ga labaddi jeer ee hore waxa guuleysatay Bayern sanadihii 2004/05 iyo 2012/13, waxaana si la mid ah Arsenal looga adkaaday sedexdi kulan ee ugu danbeeyay ee gurigooda ay ku marti-galiyaan kooxaha jarmalka matalayay.

Bayern Muinch ayaa guul gaartay labaddi kulan ee ugu dambeyay oo ay soo booqatay kooxaha Ingriiska iyagoo labaddas kulan ka adkaaday Man City iyo Arsenal,iyadoo kooxda tababare Winger ay tahay kooxda kaliya ee sanadkii tagay ku so adkaatay garoonka Allianz Arena.

Kooxda Beyrn ayaa ah koox gaartay seddex jeer finalkan koobkan, waxaana ay ku guulaysteen hal jeer oo kaliya, iyadoo labada kale laga qaaday, waxaana kulankan lugtiisa labaad lagu ciyaari doonaa garoonka Allianez Arena.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Arsenal: Szczesny; Sagna, Mertsacker, Koscilney, Gibbs; Flamini,Wilshere; Oxlade Chamberlain, Ozil, Cazorla; Giroud.

Bayern: Neuer; Rafinha, Dante, Boateng, Alaba; Lahm, Roben Tiago, Muller; Mandzukic iyo Schweinsteiger.

Waqtiga ciyaartu dhacayso waa: 10:45 xilliga bariga afrika.




Faysal Mohamed Hassan
[email protected]