4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Feb 19, 2014
Ciidanka Itoobiya ee AMISOM iyo kuwa dowlada oo deegaano qabsaday

Arbaco, Feberaayo 19, 2014 (HOL) — Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan ku biiray AMISOM ay la wareegeen maanta deegaanno cusub oo ku yaalla gobolkaas.

Deegaannadan oo ay horay uga talin jirtay Al-shabaab ayaa la sheegay inay ciidamadan la wareegeen, kaddib markii ay isaga baxeen xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaa, kuwaasoo aan la ogeyn halka ay aadeen.

"Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxay maanta la wareegeen deegaanno u dhexeeya degmooyinka Ceel-barde iyo Xudur, howlgalladu way sii soconayaan," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Ceel-barde ee dowladda Somalia, Maxamed Macallin Cali.

Guddoomiyaha la hadlay warbaahinta Muqdisho qaarkeed ayaa sheegay inay howlgalladu ay yihiin kuwo lagu doonayo in ciidamada dowladda iyo kuwa taageeraya ay ku degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ku gaaraan xilliyada soo socda.

Degmada Xudur ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka ay Al-shabaab ka taliso ee ku yaalla gobolka Bakool, iyadoo dhawaan la sheegay in saraakiil ka tirsan Al-shabaab ay isaga baxeen degmadaas.

Lama sheegin wax iska-horimaadyo ah oo ka dhacay deegaannada ay maanta la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya, iyadoo dhawaanahan ay gobolkaas dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadeen ciidamada Itoobiya ee ku biiray howlgalka AMISOM iyo kuwa dowladda.

Inkastoo maamulka dowladda ee gobolka Bakool ay sheegeen inay maanta Al-shabaab kala wareegeen deegaannada u dhexeeya Ceelbarde iyo Xudur ayaa haddana aysan jirin war kasoo baxay Al-shabaab oo arrintan lagu xaqiijiyay ama lagu beeniyay.

Ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM ayaa horay u sheegay inay howlgallo ka billaabi doonaan gobollada Koonfurta Soomaaliya si ay uga saaraan Al-shabaab deegaannada ay kaga sugan tahay gobolladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]  
Muqdisho, Soomaaliya