4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Prof. Jawaari oo ka hadlay shirka OIC ee Iiraan ka socda (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa khudbad ka jeediyey shirweynaha sagaalaad ee dalalka iskaashiga islaamka OIC, kaasoo maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iiraan.

Shirka oo socon doona laba maalmood ayaa waxaa furay madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ah ee Iiraan, Xasan Ruuxaani oo sheegay inay lagama maarmaan tahay xilligan in dalalka Islaamku iskaashi ka yeeshaan sidii looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalalka Islaamka qaarkood sida Falastiin, Afghanistan iyo Suuriya, wuxuuna xusay in dowladda Iiraan ay diyaar u tahay dal walba oo Islaam ah inay la sameyso iskaashi buuxa.

Jawaari ayaa isaguna khudbad uu ka jeediyay shirka kag hadlay hormarrada uu ku tallaabsaday baarlamaanka Soomaaliya iyo guud ahaanba dowladda Soomaaliyeed oo taageerro ka heleysa shacabkeeda.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in baarlamaanka Soomaaliya uu hadda iskaashi buuxa la leeyahay dalal ka mid ah kuwa Islaamka, wuxuuna intaas ku daray in mar walba ay diyaar u yihiin iskaashi buuxa oo ay la sameeyaan baarlamaannada dalalka Islaamka, wuxuuna Alle ka baryay in dalalka Islaamka dhibaatada haysata uu Alle ka dul-qaado.

Ugu dambeyn, berri ayaa waxaa shirka guddoomin doona Cali Ruuxaani oo ah guddoomiyaha baarlamaanka Iiraan, sidoo kale waxaa iyaguna hadallo ka jeediyay kulanka guddoomiyeyaasha baarlamaannada dalalka Suudaan, Turkey, Kuwait, Qatar, Imaaraadka Carabta, Malysia, Indonesia, Bakistaan, Afghanistan, Mayanmar, Azarbijan iyo Baxreyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya