4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Mas’uuliyiin ka hadlay Qaarijinta Taliyihii Nabadsugidda Jubbooyinka

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubba oo saaka ka qeybgalay aaskii Taliyihii Nabadsugidda Jubooyinka Ciise Kaambooni ayaa ku eedeeyay dilka marxuumkaasi xarakada Al-shabaab, iyagoona wacad ku maray in ay qaadi doonaan tallaabo deg deg ah oo ay kaga jawaabayaan arintaasi.

Marxuumkan ayaa la tuhunsanyahay in uu dilay nin ka tirsanaan jiray ilaaladiisa, kaasoo tacshiir hubiyay gaadiidkii uu saarnaa masuulkan iyo laba kamid ah ilaaladisa, waxaana masuuliyadda dilalkaasi sheegatay xarakada Al-shabaab.

Masuuliyiintii ka qeybgashay aaska marxuumka waxaa kamid ahaa wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba, Macalim Max’ed Ibraahim, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Max’ed Warsame Faarax (Darwiish), Gudoomiyaha degmada Kismaayo C/laahi Qaldaan iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka arimaha bulshada maamulka Jubba Macalim Max’ed Ibraahim oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa tacsi u diray ehelladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen ragii lagu laayay weerarkii xalay, wuxuuna sheegay in ay dagaal cusub la geli donaan xoogagga Al-shabaab eee sheegtay masuuliyadda weerarka.

Sidoo kale wasirka arimaha gudaha iyo amniga maamulka Jubba Max’ed Warsame Faarax (Darwish) oo isna goobta ka hadlay ayaa dhankiisa tacsi u diray marxuumka iyo ragii la socday ee ku dhintay weerarkii xalay, wuxuuna yiri: “waa in aan la aaminin dadka kasoo goostay Al-shabaab ee isa soo dhiiba, shabaab malahan adeer, walaal iyo abti midna.”  

Dhamaan masuuliyiintii ka hadashay goobta ayaa waxa ay isku mid ah uga tacsiyeeyeen weerarkii xalay lagu qaarijiyay taliyihiin nabadsugidda Jubooyinka.

Dhanka kale, waxaa xalay ilaa saaka gudaha magaalada Kismaayo ka soconaya howlgallo ballaaran oo ay wadaan ciidamada ammaanka mamulka Jubba, kuwaasoo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Xasan Nuur, Hiiran Online
[email protected]
Kismayo, Soomaaliya