4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 18, 2014
Al-shabaab oo Sheegatay dilka Taliyihii Nabad-sugidda Jubbooyinka

Talaado, Feberaayo 18, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay dilka taliyihii nabadsugidda Jubbooyinka Ciise Kambooni, kaasoo xalay lagu dilay bartamaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dilka taliyaha ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay mid ka mid ah ilaaladiisa oo horay uga soo goostay Al-shabaab, kaasoo wararku ay sheegayaa inuu dib ugu laabtay kooxdii uu horay uga tirsanaa ee Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dilka sarkaalka uu ahaa mid qorsheysan, isagoo sheegay in sidoo kale ay gacanta ku hayaan mid ka mid ah ilaaladii sarkaalka ayna dhawaan maxkamad soo taagi doonaan.

Sidoo kale, sarkaalka wuxuu sheegay in howlgalka uu ahaa mid ay muddo fog qorsheynayeen ayna ku guuleysteen inay xalay fuliyaan, mana sheegin koox gaar ah fuliyay weerarkan.

Ciise Kambooni ayaa ka mid ahaa saraakiishii kooxdii Raaskambooni ee uu hoggaamin jiray Sheekh Axmed Madoobe oo ah hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba, waxaana xilkan loo magacaabay bishii Oktoobar 2013.

Taliyaha la dilay iyo mid ka mid ah ilaaladiisa oo lala dilay ayaa waxaa lagu aasayaa manta magaalada Kismaayo, iyadoo weli uusan maamulka Jubba weli ka hadlin dalka taliyihii nabadsugidda maamulka Jubbooyinka.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore isku dayday inay disho sarkaalkan iyo hoggaamiyaha maamulka Jubba oo ay aad isugu dhow yihiin, inkastoo xalay ay ku guuleysteen inay qaarijiyaan sarkaalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya