4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Isku-Aadka Champion-ka oo la shaaciyay & Ronaldo oo xiddiga Yurub noqday


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Isku aadka tartanka horyaallada Qaaradda Yurub ee Champions League-ga ayaa goor dhow lasoo bandhigay, iyadoo laacibka dalka Spain una ciyaara kooxda Real Madrid, Cristiano Ronaldo loo magacaabay xiddiga sannadkan 2014 ee Qaaradda Yurub.

Sida kooxuhu ay sannadkan isugu aadeen ayaa u muuqdo mid ka adag sannadihii aynu ka soo gudubnay, iyadoo tani ay ka  dhigayso sannadkii ugu adkaa ee soo mara tartankan oo ay sannadkan ku isaga horyimaadaan 32 kooxood oo ka socda dalalka Qaaradda Yurub.

Ciyaaryahan Cristian Ronaldo ayaa isagana la guddoonsiiyay isla caawa abaalmarinta ugu qaalisan Qaaradda Yurub ee dhinaca kubadda cagta, taasoo ka dhigtay inuu noqdo xiddiga Qaaradda Yurub ee sannadkan 2014-ka.

“Runtii aad ayaan u faraxsanahay inaan sannadkan noqdo xiddiga Qaaradda Yurub. Waa in aan u mahad-celiyaa dhammaan saaxiibaday oo la’aantood aanan heerkan soo gaari lahayn. Sidoo kale waxaan u mahadcelinayaa qoyskayga, kooxdeyda iyo qof walba oo ii codkiisa i siiyay,” ayuu yiri Cristiano Ronaldo oo ka hadlayay dareenkiisa kaddib magacaabiddiisii xiddiga sannadkan ee Qaaradda Yurub.

Laacibkan ayaa xilli ciyaaraadkii hore kooxdiisa Real Madrid u qaaday koobka horyaallada Qaaradda Yurub, isagoo sannadkii lasoo dhaafayna helay abaal-marinta laacibka kubadda cagta ee Adduunka.

Haddaba halkan ka akhriso qaabka ay isugu aadeen kooxaha tartankan ka qayb-galaya xilli ciyaareedka 2014-ka iyo 2015-ka:

GROUP A: Atletico Madrid, Juventus, Olympiakos, Malmo

GROUP B: Real Madrid, Basel, Liverpool, Ludogorets

GROUP C: Benfica, Zenit, Bayer Leverkuson, Monaco

GROUP D: Arsenal, Borussia Dortmund, Galatasaray, Anderlecht

GROUP  E: Bayern Munich, Manchester City, CSKA Moscow, Roma

GROUP F: Barcelona, PSG, Ajax, APOEL FC

GROUP G: Chelsea, Schake04, Sporting Lisbon, Maribor

GROUP H: Porto, Shakhtar, Atletico Bilbao, BATE Borisov

Tartanka horyaallada Qaaradda Yurub ee sannadkan ayaa waxaa ka maqan kooxaha laba kooxood oo sannado badan ka dhex muuqan jiray tartanka, kuwaasoo kala ah; Manchester United oo Ingiriis ah iyo kooxda Milan oo Talyaani ah, taasoo sababtay kaddib markii ay kooxahan kaalimo hoose ka galeen tartanka horyaalka dalalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya