4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Erdogan oo loo dhaariyay xilka Madaxweynaha cusub ee Turkiga (SAWIRRO)


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta loo dhaariyay madaxweynaha cusub ee Turkiga, kaddib markii uu bishan ku guuleysatay doorashooyinkii ugu horreeyay oo ay shacabka dalkaas ku soo doortaan madaxweyne.

Erdogan oo saddex xilli oo isku xigta soo qabtay xilka ra’iisul wasaarenimo ee Turkiga ayaa wacad ku maray inuu muhiimadda koowaad siinayo sidii uu dalkiisa uga horumarin lahaa halka uu joogo.

Wasiirka arrimaha dibadda ee turkiga, Ahmet Davutoglu ayaa lagu wadaa in uu ra’iisul wasaare noqdo, kaddib marka loo doorto hoggaamiyaha guud ee xisbiga muxaafadka ah ee AK.

Ballanqaadyada uu sheegay Erdogan uu bixiyay xilligii dhaarta ayaa waxaa ka mid ah inuu ilaalin doono madaxbannaanida iyo midnimada dalka Turkiga iyo sidoo kale in la sharfo dastuurka iyo ku dhaqanka mabaa’diida aasaasiga ah ee Turkiga.

“Anigoo ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, waxaan ku dhaaranayaa inaan dhowro midnimada Qaranka weyn ee Turkiga iyo shacabkiisa iyo jiritanka iyo madaxbannaanida dalkeyga,” ayuu ku dhaartay Erdogan.

Hadalkii ugu horreeyay oo uu jeediyo Erdogan isagoo madaxweynaha ah kaddib dhaartiisii ayuu ku sheegay inuu xilligan billowgan u yahay isbedel lagu sameynayo Turkiga oo ay ka gudbeen Turkigii hore.

“Maanta waayihii hore ee Turkiga waa lasoo gabagabeeyay,” ayuu Erdogan oo 60-jir ah ku sheegay khudbadiisa, isagoo ballanqaaday inuu ka shaqeyn doono sidii uu Turkigu ugu biiri lahaa Midowga Yurub iyo sidii ay ammaan u heli lahaayeen dadka Kurdish-ka ah ee laga tirada badan yahay.

Madaxweynaha Turkiga ayaa khudbad u jeediyay dhaarintiisa ka hor xildhibaannada taas oo uu ku sheegay qorshayaashiisa shaqo ee soo socda, iyadoo kulanka ay isaga baxeen qaar ka mid ah xildhibaannada kasoo jeeda xisbiyada mucaaradka ah ee Turkiga. Siyaasiyiinta dhaliila hoggaanka Erdogan ayaa ku tilmaamaan inuu yahay mas'uul aan wax xushmeyn ah siin dastuurka iyo shuruucda kale ee dalkaas uu leeyahay.

Dhanka kale, hoggaamiyaha xisbiga ugu weyn ee mucaaradka ah, Kemal Kilicdaroglu ayaa qaadacay ka qaybgalka xafladdii lagu caleemo-saarayay madaxweynaha cusub ee Turkiga Erdogan.

Golaha axsaabta mucaaradka ah ee dalka Turkiga ayaa Arbacadii shalay ahayd ku sheegay warbixin ay wadajir u soo saareen in Turkigu u baahan yahay dastuur cusub oo qeexaya awoodaha madaxweynaha iyo sida uu u fulinayo siyaasadaha waddanka.

Dhaarinta Recep Erdogan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa madax kala duwan oo ka socda caalamka, waxaana ka mid ahaa madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku sugan yihiin Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya