4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Howlgal labaatameeyo qof lagu soo xiray oo laga sameeyay degmada Jowhar

Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Howlgal ay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen maanta xaafadda hanti-wadaag ee degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayaa lagu soo qabqabtay 20-qof oo ka mid ah dadka deegaanka.

Sarkaal ka tirsan ciidamada amniga degmada ayaa sheegay in howlgalkuu ahaa mid ay ku raadinayeen kooxo habeen hore ku dhaawacay degmadaas mid ka mid ah waaxda qaadista canshuuraha berriga.

“Ciidamada nabadsugidda iyo kuwa booliiska degmada ayaa howlgal maanta ka sameeyay xaafadda Hanti-wadaag oo ka mid ah afarta xaafadood ee ay ka kooban tahay degmada Jowhar, waxaana lagu soo qabqabtay dhallinyaro looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen weerarka dhaawaca sababay,” ayuu yiri Muuse Killi oo ka mid ah saraakiisha ciidamada amniga degmada.

Ruuxa ka tirsan waaxda canshuuraha degmada oo la dhigay isbitaalka INTER-SOS ee degmada Jowhar ayaa la sheegay inay xaaladdiisa caafimaad kasoo raynayso, iyadoo howlgalku uu saameyn weyn ku yeelay howl-maalmeedkii caadiga ahaa.

“Dadka howlgalka lagu qabqabtay baaritaanno ayaa la marsiin doonnaa qofkii aan dambi yeelan waa lasii daynaa, balse kuwa dambi kusoo baxo sharciga ayaa la horgeyn doonaa,” ayuu Muuse Killi hadalkiida ku daray.

Sidoo kale, goobjoogayaal ku sugan Jowhar ayaa sheegay in ciidamadu ay guri-guri u baarayeen xaafadda Hanti-wadaag, ayna xirxireen 20-qof oo dhallinyaro ah, kuwaasoo dhammaantood ahaa dadka deegaanka.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay dhaawaca ruuxa canshuuraha degmada ka shaqeynayay, iyadoo falalka noocan oo kale ah ay dowladdu ku eedeyso inay mas’uul ka tahay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta.

Howlgalka maanta laga sameeyay Jowhar ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo degmadaas ay ka sameeyaan ciidamada amniga tan iyo markii uu xilka maamulka gobolka Shabeellada dhexe la wareegay guddoomiyaha cusub ee gobolkaas, Cali Guud-laawe.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya