4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 28, 2014
Muwaadin Somali-American ah oo lagu dilay Siiriya Isagoo u dagalamaya ISIS


Khamiis, Ogoosto 28, 2014 (HOL) — Ruuxii labaad oo Mareykan ah ayaa lagu dilay dalka Suuriya, isagoo u dagaalamaya kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka CIraaq iyo Suuriya, wuxuuna ka mid ahaa dhallinyaro badan oo Mareykan ah oo ku biiray kooxdan.

C/raxmaan Muxumed oo ah Somali-American ayaa ku koray Minnesota oo ah gobolka ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee ku nool Mareykanka, wuxuuna ka mid ahaa tobaneeyo Soomaalida Mareykanka ah oo ku biiray kooxdan la baxday khilaafada Islaamka.

Telefishinka KMSP oo xaruntiisu tahay Minneapolis ayaa sheegay in ruuxaan lagu dilay isla dagaalkii lagu dilay Douglas McAuthur McCain oo magaalada Minneapolis ku koray, balse noloshiisa inta badan ku qaatay San Diego.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa horraantii toddobaadkan xaqiijisay dhimashada McCain. Afhayeen u hadlay wasaaradda, Jen Psaki ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin dhimashada qofka kale ee Mareykanka ah, balse ay baaris ku sameyn doonaan.

Sidoo kale, telefishinka Fox News ayaa sheegay in C/raxmaan Muxumed uu qoyskiisa uga soo diray waddanka Siiriya sawirro, laakiin arrintan weli kama aysan hadlin wasaaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka.

Muxumed ayaa bishii Juun ee sannadkan u sheegay Radio ku yaalla gobolka Minnesota in da’diisu tahay 29-sano jir, uuna xaasle yahay, isagoo wareysiga uu idaacaddan siiyay ku sheegay inuu ka mid yahay sagaal ruux oo uu aabbihii dhalay.

Hay’adda FBI ayaa sheegtay in ugu yaraan 15-qof oo reer Minnesota ah isla markaana ah Soomaali-Ameerikaan ay u safreen dalka Suuriya iyagoo ku biiray kooxda khilaafada Islaamiga ah oo horay loogu aqoon jiray ISIS, taas oo ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

“Nolosheyda adduunyada waxaan u hibeeyay Alle.. Ilaahayna wuu jecel yahay kuwa dartiis u dagaalamaya,” ayuu fariin ahaan C/raxmaan u soo dhigay bartiisa Facebook-ga ee ay bulshada ku xiriirto, isagoo sidoo kalena soo dhigay sawir muujinaya isagoo gacanna kitaabka Qur’aanka ku haysta tan kalena qori.

Baarayaal Mareykan ah ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in 100 ruux oo Maryekanka ah ay u dhoofeen dalka Suuriya si ay ugu biiraan kooxda ISIS, kuwaasoo intooda badan dhallinyaro wiilal ah oo laga dhaadhiciyay inay ku biiraan kooxaha Islaamiyiinta ah.

Cabdi Biixi oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka mataanaha ah ee gobolka Minnesota ayaa u sheegay idaacadda KMSP in kooxd ISIS ay billowday inay qorato gabdhaha dhallinta yar ee labadaan magaalo.

“Maskax bedel ayay ku sameynayaan, iyadoo laga dhaadhiciyay inay raga jihaadka ku jira guursadaan,” ayuu yiri Biixi oo intaas ku daray. “Waxay ugu yeerayaan marka hore inay u caawiyaan sida qof kalkaaliye caafimaad ah oo ay daweeyaan kuwa ka dhaawacma – laakiinse midda runta ah waa in laga doonayo arrimo dhinaca galmoodka la xiriira.”

Sidoo kale, Biixi ayaa sheegay in dhallinyaradu ay u arkaan dagaalladan jidkii ay ku geli lahaayeen Jannada, iyadoo dhallinyaradu markii ay tagaan goobaha colaadaha ay tahay waxay kala kulmayaan niyad-jab iyo dhimasho.

“Haddii aynaan wax ka bedelin arrintan waxaa xigi doonta calool-xumo iyo murugo lasoo gudboonaada waalidiinta carruurtooda ay dagaallada noocan oo kale lagu dilo,” ayuu Biixi oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha Soomaalida ku nool gobolka Minnesota.

Arritan ayaa imaanaysa iyadoo toddobaadyo ka hor lagu dliay  dalka Ciraaq wiil Somali-Canadian ah oo uu adeer u ahaa ra'iisul wasaarihii hore ee dowladda Somalia Cabdi Faarax Shirdoon, kaasoo ku biiray ISIS, iyadoo sidoo kalena uu kooxdaan uu ku biiray wiil uu dhalay guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, Feysal Cali Waraabe oo ka yimid dalka Finland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya